Sababta ahmiyadda u yeeleysa dhimashadda Abuubakar Al-Baqdaadi

Image

LONDON, UK – Dunida ayaa sugeysa xaqiijinta geerida Abuubabar Al-Baqdaadi, hogaamiyaha Daacish, oo la sheegay in lagu khaarijiyey howlgal habeenimadii Talaadada laga sameeyay Idlib oo Suuriya kamid ah.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay howlgalka fuliyeen balse waxay ka gaabsadeen in ay xaqiijiyeen in howlgalku ahaa mid mirro dhalay. "Tafaasiil dheeri ah naga suga," ayay ku tiri bayaan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa in uu soo saaro war-saxaafadeed kasoo uu kaga faaloon doono gulufkan iyo qaabka khaarijinta.

Turkiga iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xogta lagu naf-gooyay horjoogan ay qayb weyn ku lahaayeen.

Al-Baqdaadi ayaa lagu qeexaa in uu yahay "mid kamid ah ragga loogu doon-doonista badan yahay aduunka iyo argagixisada".

Akhbaarta ku saabsan in la dilay ayaa soo ifbaxeysa iyadda oo ay jiraan labadda arrimood oo kala ah; Mareykanka oo kun askari kala baxaya dhulweynaha Suuriya iyo Daacish oo looga awood-roonaadey waddankaas.

Hadaba maxaa muhiim ka dhigaya dhimashadiisa?

Bishii Maaj, ISIL ayaa laga saarey dhulkii ugu dambeeyay oo Suuriya ah, gaar ahaan magaaladda Baghouz, halkaas oo kooxdu ku lahayd dhaxal badan ayna kaga dhowaaqday soo celinta Khilaafada Islaamka.

Kadib jabkaas oo Al-Baqdaadi uu shaashadaha kasoo muuqday shan sano kadib ayaa loo arkayey muujinta in hogaankiisu wali jiro. Inkasta oo muuqaalkaas aan la ogayn halka iyo goorta lagu duubay.

Baqdaadi kaliya ma ahan hogaamiye shaqeeye, balse wuxuu astaan u yahay jiritaanka kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

Geeridiisa ayaa la aaminsan yahay in ay dharbaaxo kale ku noqon doonto maleyshiyaadka argagixisadda ah, ayna meesha ka saareyso in ay meelo kala duan oo aduunka kamid ah ka fuliso howlgalo xagjirnimo ah.

Waa kuma Abuubakar Al-Baqdaadi?

Amiirka kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ayaa lagu qeexaa "ninkii loogu doon-doonista badnaa aduunka".

Bishii October 2011-kii, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa u aqoonsaday "argagixiye" waxayna dul-dhigeen 10 milyan oo Doollar.

Lacagtaas ayaa waxaa loo balanqaad in la siin doono qofkii keena xog lagu dili karo ama sahleysa in nolosha lagu qabto.

Baqdaadi ayaa leh mas'uuiyadda abaabulka falal naxariis darro ah oo ka dhacay aduunka dacaladeeda kala gedisan.

Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad.

Xiligii uu Mareykanka ku duulay Ciraaq 2003-dii ayaa la sheegayaa in uu wadaad mararka qaar hayn jiray furaha Masjid ku dhowaa caasimadda. Masjidka ayaa la aaminsan yahay in uu mararka qaarkood ka ahaa Mu'adin.

Dadka isaga yaqaano ayaa ku sheegaya in uu Jihaad-aloose ahaa mudadii uu xukunka hayey Sadaam Xuseen, hogaamiyihii hore ee Ciraaq.

Kuwa kale ayaa aaminsan in lagu xagjireeyay afar sano oo uu ku xirnaa Xerada Bucca, oo ah goob Mareykanku maamulo oo ku taala koonfurta Ciraaq.

Saldhigaas ayaa waxaa sidoo kale ku xirnaa qaar kamid ah hogaamiyeyaashii ugu tunka weynaa shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

Sanadkii 2010-kii ayuu soo shaac-baxay isaga oo ah hogaamiyaha Al-Qaacida Ciraaq, taas oo kolkii dambe la midowday Daacish.

Isku day ay kula midoobi lahaayeen falaagadda Al-Nusra Front ee Suuriya ayaa la sheegayaa in ay ka hoos-mareen rajadii ay filayeen.

Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii.

Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM