Sacuudi Carabiya oo shuruud ku xiray soo afjarida go'doominta Qadar

Image

WASHINGTON, US – Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, ayaa xusay in la xalin karo xiisada saddex sano jirtsatay ee kala dhaxeysa Qadar kadib la kulanka dhigiisa dalka Mareykanka, Mike Pompeo.

Sanadkii 2017-kii, Riyadh oo ay wehliyaan xulafeeda Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Dooxa kuna soo rogay xayiraad dhanka isugu jirta dhinacyadda dhulka, cirka iyo Badda.

"Way naga go'an tahay in aan helno xal," ayuu Khamiistii ka yiri dood uu soo agaasimay Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow.

Amiir Faysal oo rajeeyay in Qadar ay la qaadan doonto mowqifkaas xal-doonimada ah ayaa shuruuda kaliya ee isu soo dhowaanshiyaha hortaagan wuxuu caddeeyay in ay tahay wax ka qabashada "walaaca ammaanka".

"Hadii aan isla helno qaab aan horey ugu sii socon karno walaaca amniga, waxaan war wanaagsan u noqon doonaa gobolka," ayuu tibaaxay.

Afarta dal ee go'doomiyay Qadar ayaa ku eedeeyay in ay taageerto "argagixiso", in ay faraglineyso siyaasadooda arrimaha gudaha iyo in ay xiriir dhow la leedahay Iiraan. Dooxa waxay qashinka ku dartay eedeymahaas.

Xilli isku dayo badan fashilmeen markii Dooxa diidey dalabyada; xiritaanka Al-Jazeera Tv, joojinta taageerada Kooxaha Islaamiyiinta, yareynta xiriirka Iiraan iyo eryida ciidanka Turkiga, Washington ayaa wali olole hoose wadda.

Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo wariyey in ay diyaar u yihiin wadahadal lagu dhameeyo qalalaasaha diblumaasiyadeed ayaa ku adkeystay in xal walba uu noqdo mid ixtiraamaya madaxbabaanida wadankiisa.

Bishii June, Kuwait, oo u kala dab-qaadeysay Qadar iyo afarta dal Carbeed, ayaa tilmaamtay in dedaalo ay socdaan, balse horumar aan laga sameyn.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo bishii December tabiyey in shirar dhacay ay soo afjareen xiisada, ayaa bil kadib wuxuu shaaca ka dhigay in dedaaladaas aysan wali miradhalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM