Sacuudiga oo gowracay 37 qof oo ku eedaysan argagixisinimo

Image

RIYADH, Sacuudi – Boqortooyada Sacuudiga ayaa Talaadadii toogasho ku fulisay 37 ruux oo ku eedaysan argagixisinimo, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga.

Xukuumada Riyadh ayaa sheegtay in talaabadaan ay ka dambeysay markii xubnahaasi lagu helay dambiga. Inkasta oo aysan kala caddeyn hadii loo ogolaaday in ay is-difaacaan.

Warbaahinta ku hadasha afka dowlada Sacuudiga ayaa baahisay in mid kamida maxaabiista oo 16-sano jir ah la dal-dalay kahor inta aan si arxan loo toogan.

Saxaafada reer Galbeedka ayaa warineysa in dhamaan xubnahaan aanan la toogan balse si toos ah qoorta looga jaray [la gowracay].

Intaasi waxaa wehlisa in dhamaan maxaabiista la dilay ay yihiin kuwa aaminsan fariiqada Shiicada, wallow war-fidiyeenka Sacuudiga aysan arrinkaasi soo hadal-qaadin.

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha sida Amnesty International ayaa arrinkaan si kulul u cambaareeyay, waxaana caalamka ku dhaliileen inuu ka aamusay.

Sacuudiga waa mid kamida wadamada ay sanad kasta ka dhacaan toogashada oo labadii sano ee lasoo dhaafay hoos u dhac uu ku yimid dunida kale, sida lagu ogaaday daarsad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM