Rag loo dacweeyay jabsashada baraha Twitter-ka shaqsiyaad caan ah

Image

WASHINGTON, US – Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dacwad kusoo oogtay saddex rag ah oo la aaminsan yahay in ay ku lug-lahaayeen jabsashada ciwaanimadda Twitter-ka ee shaqsiyaad caan ah.

Bishii July 15-keeda ayay ahayd markii loo dhacay baraha Twitter-ka ee shaqsiyaad ay kamid yihiin madaxweyne hore Barack Obama, maal-qabeen Bill Gates, iyo madaxa fulinta shirkaddaTesla, Elon Musk.

Mason Sheppard, 19-jir British ah, Nima Fazeli, 22-jir degan magaalada Orlando ee gobolka Florida, iyo Graham Clark, 17-jir ku dhaqan magaalada Tampa ee isla gobolkaas ayay kala yihiin eedeysaneyaasha.

Saddexdooda oo la filayo in la maxkamadeeyo ayaa waxay wajahayaan dacwad ku saabsan in ay ku kaceen falkaas dunida geliyey.

Shirkadda Twitter-ka oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa bogaadisay "talaabooyinka deg-dega ah ee lagu dhaqan-gelinayo sharciga".

Hay'adda Sirdoonka gudaha Mareykanka ee FBI ayaa xaqiijisay xariga laba kamid ah eedeysaneyaasha, wallow ay ka gaabsatay magacyadooda.

Illaa iyo haatan, lama ogga qaabka ay ugu suurtagashay in ay da'yartaan ku weeraraan ciwaanadaas ammaankooda la adkeeyo. Balse, fahfaahino waxay xusayaan in ay beegsadeen shaqaalaha shirkada.

Clark ayaa si gooni ah waxaa loogu haystaa in uu yahay shaqsiga ciwaanada qaar soo dhigay fariimaha dadweynaha looga dalbaday in ay soo diraan lacag tabarucaad ah, wallow kolkii dambe la masaxay.

Jabsadayaasha ayaa bartilmaameedsaday 130 ciwaan, iyagoo ku guuleystay in ay qoraalo soo dhigaan 45 kamid ah, fariimana ka diraan 36 kale isla markaana ku guuleystay in ay macluumaad kala baxaan todoba kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM

Maxaa looga hadlay Shirka Soomaaliya ka qayb gashay ee ka dhacay South Korea?

Shirka ayaa loo arkaa madal muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:30PM