Sahra oo ka hadashay guusheedii doorashada Belgium [Dhageyso]

Image

BELGIUM - Sahra Khaliif Maxamed, waa gabar Soomaaliyeed oo 21-sano jir ah, taasi oo dhowaan kusoo baxday doorashooyinka Aqalka Dowladda Hosose wadanka Belgium, taasi oo taariikhda dalkaan baal dahab ka gelisay.

Maxamed oo waalikeeda ay qaxooti ahaan ku tageen dalkaan Yurub ku yaala ayaa ku dhalatay halkaasi, iyadda oo sheegtay inay ku farax-san yahay guusha wayn oo ay hantiday.

Wareysi dhinacyo badan ay uga hadashay, kaasi oo ay siisay Idaacada VOA-da laanteeda Afrika Soomaaliga, ayey daboolka uga qaaday Sahra in guusha ay heshay ka garab siiyeen bahdeeda waxbrashada.

Si gaar ah, waxay farta ugu fiiqday inuu ku dhiirageliyey Duqa Loofa ee dalka Belgium ka, halkaasi oo ah meesha ay ka heshay xubnimadda Aqalka Dowladda Hoose, ee magaalada.

Sahra oo la su'aallay waxybaaha ay dooneyso inay wax ka qabato mudada ay xilka hayso ayey carabka ku dhufatay inay si gaar ah isha ugu hayn doonto arrimaha soo galootiga iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayey ku nuux-nuux satay inay gacan ka gaysan doonto sidii gargaar loogu soo gaarsiin lahaa dadka Somaaliyeed ee ku tabaalaysan gudaha wadanka, oo ay colaadu la dageen.

"Dalkeyga waan jeclahay. Hooyo iyo Aabo ayaa iiga sheekeeyay. [Ajaaniibta kale ee Belgium ku nool] xiliyada fasaxa waxay aadaan dalkooda, aniga waxaan jeclahay inaan Soomaaliya aado, laakiin waa laga cabsadaa sababta oo ah dagaalo iyo qaraxyo ayaa ka dhacaya. Aniga waxaan rabaa inaan dalkeyga caawiyo, sababta oo ah mustaqbalkeena halkaasi ayuu jiraa," ayey yiri Sahra.

Ugu dambeyntii, Sahra ayaa Soomaalida ku nool dalka Belgium-ka gaar ahaan da'yarta waxay ugu baaqday inay ku dadaaladaan waxbrashada oo ay qirtay inay tahay furaha kaliya oo ay ku gaari karaan horumar iyo inay nolashooda maqaam sarre gaarsiiyaan.

"Aniga ma aanan is dhahayn waan kusoo bixi kartaa doorashada. Balse, ardayga aan wax isla soo baran oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jirta iyo macalimiinteyda ayaa ii codeeyay. Duqa magaalada Loofa ayaa idhiirogeliyay oo igu dhahay waan ku guuleysan kartaa," ayey hadalkeeda kusii dartay Sahra Khaliif Maxamed.

Sahra ayaa ku biireysa liiska Soomaalida sanadihii udambeeyay taariikhda ka sameynayey dalalka reer Galbeed, kadib markii ay kusoo baxeen doorashooyin heerar kala duwan oo ay ka qayb-galeen, taasi oo badaleysa wajigii dadka Soomaaliyeed lagu yaqiinay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM