Sarkaal u dhashey dalka Kenya oo maydkiisa laga heley Somalia

Image

MANDHERA 25 April, 2015 ( GO)- Sarkaal u dhashey dalka Kenya oo laga afduubey Khamiistii la soo dhaafey Woqooyiga Kenya ayaa maydkiisa laga heley gudaha dalka Somalia, sidaas waxaa xaqiijiyey qoykiisa qof kamid ah.

"Maydka sarkaalkaan ayaa laga heley xuduudka Somalia, " sidaa waxaa saxaafada u sheegey Rashid Xaaji oo hadley qoyska sarkaalkaan.

Mukhtar Maalim Aadan oo madax u ahaa halka la yiraahdo Arabia, degaan hoos yimaada Madera, ayaa waxaa afduubey koox Al-shabaab ah isaga oo u kala safraya magaalooyinka Arabia iyo Mandera.

Ku-xigeenka Mukhtar Maalim, Cabdi Nuur oo la safrayey marxuumkaan balse u suurta-gashey inuu ka baxsado kooxdaas weerarka soo qaadey.

"Odayaasha degaanka Arabia ayey u suurtagashey iney daba-galaan kooxda afduubtey Mukhtar Maalim balse markii ay codsadeen siideyntiisa waxey ugu jawaabeen iney toogtaan." sidaas waxaa saxaafada u sheegey mid kamid ah odayaashaan oo diidey magciisa in la sheego. 

Wadada u dhexeysa Mandheera- Arabia ayaa waxaa aalaaba gala kooxda Al-shabaab kuwas oo bartilmaameedsada saraakiisha gobolkaas.

Kooxda Al-shabaab ayaa horey isugu dayey iney dilaan gudoomiyaha gobolka Mandhera kadib markii wadada u galeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM