Saudi Arabia: 717 ku dhimatey isbuurasho ka dhacdey Xajka

Image

Sept 24,2015  (GO)- Ugu yaraan 717 ayaa ku dhimatey isbuurasho ka dhacdey meel ku dhow magaalada barakeysan ee Mecca, sidaas waxa saxaafada u sheegey saraakiil ka tirsan wadanka Saudi Arabia.

Dadka dhaawacmey ayaa lagu sheegey iney gaarayaan 450 qof oo xujey ah iyadoo goobta ku sugan yihiin hay'adaha gurmadka.

Ibuurashadaan ayaa dhacdey mar ay ka qayb galayeen dad ka badan Labo milyan oo qof mid kamid ah maalmaha ugu muuhimsan ee gudahsda Xajka halka la yiraahdo Miina.

Bishaan bilowgeeda ayey aheyd markii wiish kuwa wax lagu dhiso ah ku soo dhacey mid kamid ah maajidyada Mecca halkaasoo ku dhinteen 109 qof kuna dhaawacmeen 400.

Bishaan ka hor Xajka ayaa ahaa mid aan shilal noocan oo kale ah ka dhicin kadib markii dowlada Saudi Arabia qaadey talaabooyin lagu xadidayo shilalka ka dhaca goobaha lagu cibaadeysanayo.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM