Sawirka gabar iyo hooyadeed oo duuliyeyaal ah oo dood dhaliyay

Image

WASHINGTON, US – Sawirka hooyo iyo gabadheed oo duuliyeyaal ah ayaa abuuray dood ku saabsan sida loogu baahan yahay in la helo haween duuliyeyaal ah.

Bishaan Maaj 16-keeda ayuu soo shaac baxay sawirkaan markii ay si wadajir ah u duuliyeen duulimaad magaalooyinka Los Angeles illaa iyo Atlanta ah ee tirsan Mareykanka.

Dr. John R. Watret, oo bare ka ah jamaacadda caanka ah ee Embry-Riddle Aeronautical University kaasi oo muranka abuuray ayaa waxaa ku raacay malaayiin ruux.

Baraha oo qayb ka ahaa rakaabka duulimaadka ay wadeen hooyada iyo gabdheeda ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda wuxuu ku sheegay in aad ugu raaxeystay.

"Waxaan umaleynayaa in ay ahayd arrin cajiib ah," ayuu yiri, isaga oo hadalkiisa ku daray "Aad ayaan u jeclaaday, waxaana rajeynayaa in ay sii jiraan wax badan."

Mr Watret ayaa kasoo laabtay jamaacadda Embry-Riddle Asia faraceeda wadanka Singapore, halkaasi oo uu ku lahaa xiisado uu cashar kasoo sii nayay arday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM