Senator: Xaaladda Suuriya waxay u soo xusuusisay Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Mudane ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka Mareykanka ayaa shaaca ka qaadey in xaaladda ay haatan ku sugan tahay Suuriya "ay soo xusuusisay Soomaaliya iyo koonfurta Vietnam".

Adam Kinzinger, xubin ka tirsan Guddiga Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda golahaas, ayaa wuxuu rajeynayaa in xaaladda Suuriya uu 24-ka saac ee soo aadan ay isbedeli doonto isla markaana istaagi doono dagaalka.

"Su'aashu waxay tahay maxay tani u muuqataa? Daneeyeyaal badan ayaa jooga. Iyaga qudhooda maxay doonayaan in ay ka baxaan Suuriya? Taas waa walaaca aan qabo aniga ahaan," ayuu u sheegay CNN.

Waqoyga dalkaas Carbeed ayaa waxaa ka jirta dhiilo colaadeed oo ka dambeysay kadib duulaan xoogan kana yimid milatariga Turkiga oo ka dhan ah Kurdiyiinta oo Ankara ay u aqoonsan tahay "urur argagixiso".

Mareykanka, oo qayb ahaan ciidankiisa kala baxay Suuriya, iyo Turkiga, ayaa dhowaan ku heshiiyey xabad-joojin iyo in Kurdiyiinta isaga baxaan sohdinta ku teedsan Turkiga, si loo sameeyo "aag ka caagan ciidanka".

Go'aankan uu Donald Trump kusoo saarey ciidanka Ameerikaan ah ayaa waxaa cambaareeyay xeer-dejinta oo ku tilmaamay "go'aan qaldan".

"Xabad joojin waa xal dhexdhexaad ah. Miyey doonayaan wada xaajood? Annaga waan ka quusanay, gebi ahaanba Ruushka iyo Turkiga waa in ay ka hayaamaan Suuriya," ayuu hadalkiisa ku daray sharcidejiyaha.

Madaxweyneyaasha Turkiga, Recep Tayib Erdogan iyo Vladimir Putin, ayaa waxaa la filayaa in ay dhowaan kulmaan si ay uga wada hadlaan arrintan.

Soomaaliya iyo koonfurta Vietnam ayaa mar noqday goob dagaal oo ay ku loolamaan awoodaha aduunka, sida ay hadda tahay Suuriya iyo wadamo kale oo kasoo kabanaya colaado ay muddo la daalaadhacayaan.

"Wali waxaan ka tageynaa xuluafdeedana. Waxaan qadarta ALLE ku duqeynay saldhigyada ciidamadeena. Waxay isoo xusuusisay Soomaaliya iyo Koonfurta Vietnam," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Senator-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM