Shil diyaaradeed oo hakad geliyey shaqadii garoonka Jomo Kenyatta

Image

January 4, 2015 (GO)- Shil diyaaradeed oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta oo ku yaalla caasimada Kenya ee Nairobi ayaa sababay in muddo saacado ah hawlihii garoonkaas hakad la geliyo.

Duulimaadyo badan ayaa la weeciyey qaar kale waa la hakiyey kadib markii diyaarad yar oo ka soo duushay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ku burburtay bartamaha dhabaha diyaaraduhu ku ordaan.

Diyaarada shilka gashay oo lix qof la socdeen cillad ayaa lasoo deristey xilligii ay soo degeysey mana jirto cid shilkaas ku geeriyootey marka laga reebo dhaawacyo fudud oo soo gaarey qaar kamid ah rakaabka.

Garoonka Jomo Kenyatta waa gegida diyaaradeed ee ugu mashquulka badan guud ahaan garoomada ku yaalla qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM