Shirk looga hadlayo cimilada oo ka furmay Paris

Image

Shir ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay oo looga gol leeyahay in lagu sameeyo hanaan cusub oo caalamku wax uga qabto isbadalka Cimilada ayaa ka bilawday magaalada Paris, ee dalka Faransiiska.

Ergo ka kala socota 195 wadan ayaa isku dayi doona in ay heshiis ku gaaraan mudo labo todobaad ah si loo dhimo wasakhaynta hawada adduunka.

Hogaamiyeyaasha 147 dal ayaa khudbad ka jeedin doona Isniinta shirka oo afka qalaad loogu soo gaabiyo COP21, waxaa la doonayaa in sare loo qaado tiknoolajiyadda aan wasakhda dhalinin.

Laakiin dalalka ugu fiqiirsan adduunka ayaa ka cabsi qaba in heshiiskan cusub ee lawado uu meel cidlo ah ugaga dhaqaaqo. 

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegaya in Maraykanku uu dhaliyay carro badan kadib markii uu ku adkaystay in waddamada qaniga ah aysan hadda kadib aqbalin in ay dusha u ritaan masuuliyad ka badan tan waddamada soo koraya marka ay timaado yaraynta gaaska hawada wasakheeya.

Waddamada sida Hindiya ayaa si wayn arintaasi uga soo horjeeda oo ku dooday in Maraykanka uu isku dayayo in uu masuuliyadiisa ka baxsado.

Dibadbaxyo

Malaayiin qof ayaa shalay dibad baxyo ka sameeyay caalamka daafahiisa, ka hor intaan la qaban shirka isbadalka cimilada ee adduunka ee ka dhacaya caasimadda Paris.

Kumanaan ayaa isugu soo baxday magalooyinka Sydney, Seattle, Honkong, Barlin, London iyo Sao Paolo.

Magaalada Paris iyadu waxaa wali saaran xukun degdeg ah waxaana la mamnuucay isusoo baxyada.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM