Sideed Labaatan ku dhimatey qarax ka dhacey Turkiga

Image

ANKARA- Qarax ayaa haleeley gawaari kuwa ciidamada ah galabnimada Arbacada magaalo madaxda dalka Turkiga ee Ankara, qaraxaan ayaa ciidamada ugu yeereen inuu ahaa mid argagixiso.

Sideed iyo Labatan qof ayaa ku dhimatey qaraxaan halka ay ku dhaawacantey 61 qof kale.

Qaraxaan ayaa lala beegsadey sadex gaari oo ah kawa ciidamada iyo gaari kale ee caadi kuwasoo taagnaa goob ku dhow aqalka Barlamanka magaalo madaxda dalkaas.

Turkiga ayaa maalmihii la soo dhaafey ciidamadooda waxay duqeymo u gaysanyeen degaamo ay gacanta ku yayaan xoogaga Kurdish ee ka dagaalama xadka dalka Syria.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM