Silvia Romano oo faafisay su'aallo ay is-waydiisay markii la qafaashay

Image

ROMA, Italy – Haweenaydii ay afduubatay Al-Shabaab isla markaana mudadii ay Soomaaliya ku xirneyd qaadatay Diinta Islaamka, Silvia Romano, ayaa wareysi ay bixisay waxay kaga warantay safarkeeda murugadda badnaa.

Bishii November ee 2018-kii ayay dabley hubeysan kasoo kaxeysteen waqooyi barri Kenya halkaasoo howlo samafalnimo ay ka wadday.

Kadib muddo 18 bilood oo ay la-hayste ahayd, Silvia oo kolkii dambe la baxdey magaca Caa'isha waxay xorriyadeeda dib u heshay bishii May.

Ku-laabashadeeda Talyaaniga waxaa lagu weeraray in ay Islaamtay. Cadaanka Xagjirka ah ayaa bilaabay in ay ugu hanjabaan dil. Balse, warbaahinta iyo siyaasiyiinta il-baxa ah waxay bilaabeen olole ay ku taageereen.

Caa'isha oo u warantay bogga Muslimink ayaa ayaa si dul-mar guud ku sameysay xaaladahaas iyo waxyaabihii ay kala kulantay jeelka Soomaaliya.

Kahor inta aysan ku Islaamin 535 maalmood oo ay xabsi ku jirtay, Silvia oo qiratay in aysan ALLE aaminsaneyn ayaa xustay in ay diirada saari jirtay sidii ay u tixraaci lahayd riyooyinkeeda, farxadeeda iyo go'aanadda ay ku dhiirato.

Xilli ay tibaaxdey in aysan waligeed ku fekerin in ay Islaameyso balse ay lahad saaxiibo Muslimiin ah kuwaasoo aan ku kalifin in ay qaadato Diina, waalidiinteeda ayay ka dhawaajisay in aysan ku faquuqin in aysan faquuqin.

Mar la waydiiyey goorta ay bilowday in ay ALLE u dhawaato, jawaabta Caa'isha ayaa noqotay "markii la i afduubay, waxaan bilaabay feker". Su'aallaha ay is-waydiisay bilowga safarkeeda lahaystenimada ayay shaacisay.

"Waxaan halkaan u timid samafalnimo, waxaan sameynayaa wax fiican, maxaa arrintan leygu afduubayaa? Maxaan qalad oon sameeyay? Tani ma fursad ay tahay in aad ka faa'iideystaa? Maxaa gabar kale loosoo qafaalan waayey? Ma jiraa qof i badbaadin kara? Waxaan aaminay in su'aasha koowaad ay si aan laab-laab lahayn iigu dhaweysay Ilaahey," ayay hoosta ka xariiqay Silvia.

Wallow aysan sheegin goobtii lagu haayey, haddana go'aankii ugu dambeeyay ee qaadashada Diinta ayay warisay in ay qaadatay markii ay maqashay duqeymo cirka ah ayna ka baqday in ay dhimato iyaddoo aanan Islaamin.

Caa'isha oo su'aallo badan ku geedaaman yihiin qaabka loosoo badbaadiyey ayna jiraan warar xusaya in madax-furasho bixisay Dowladda Talyaaniga ayaa la aaminsan yahay in lagu haayey degaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM