Silvia Romano oo ka sheekeysay qisadii ka dambeysay in ay Islaamto

Image

ROMA, Italia – Haweenaydii u dhalatay Talyaaniga ee bishii Maaj laga soo "badbaadiyey" gacanta Al-Shabaab kadib markii ay u afduubneyd muddo ka badan sanad ee Silvia Romano ayaa waxay bixisay wareysigii ugu horeeyay.

Silvia Romano oo November 2018-kii laga watay tuulada Chakama ee Kenya, halkaas oo ay howlo samafal ka wadday, ayaa loosoo wareejiyey koonfurta Soomaaliya, oo ay ku Islaamtay markii muddo la haystay.

25-sano jirtaan oo wararku sheegayaan in lagu soo furtay lacag madax furasho ah malaayiin gaareysa ayaa Islaamtay intii ay ku jirtay gacanta xoogaga gacansaarka al leh Al-Qaacida, waxaana loo bixiyey Caa'isha.

Sidda ay ku sheegtey wareysiga oo ay siisay mareegga "La Luce", haweenayda ayaa intii ay la haystaha ahayd aad u walwalsaneyd.

"Inkasta oo ay jireen waxyaabo aan kari waayey sidda barashadda Carabiga, haddana waxaan ku noola cabsi iyo hubanti la'aan la xiriira aayaheyga dambe," ayay ku qiratay qayb kamid ah wareysiga la baahiyey.

Waxay raacisay: "Wax walboo waqtiga isa sii guraba, waxaan qalbigeyga ka dareemay in [Carabiga] uu yahay midka kaliya ee i caawin kara. Iimaanka wuu is-badalaa, keygana wuxuu ahaa mid horumar sameeyay.

"Dhab ahaantii markii aan aqbalay Iimaanka Islaamka, waxaa eegay in aayaheyga uu ku dambeyn doono ciida [Qabriga]," ayay tibaaxday.

Xirashada xijaabka ayay difaacday, waxayna ku adkeysatay in asturnaanteeda ay la macno tahay xorriyadda uu qofka shaqsiyan leeyahay.

"Waxaan qalbiga ka dareemayaa in ALLE uu iga codsanayo in aan xirto dhar sarre u qaadaya shafteyda iyo karaamadeyda, maxaa yeelay in aan qariyo jirkeyga waxaan ogahay in qofka uu igu arki doono qabriga," ayay xustay.

Maalintii ugu horeysay ee laga soo afduubtay Kenya ayay caddeysay in ay dareentay walwal badan ayna is-waydiisay su'aallo kala duwan.

"Markii xabsiga la i geeyay waxaan bilaabay in aan fekero, waxaan is-waydiiyey 'mala ALLE miyaa ku ciqaabayaa dambiyaddii aan gashay, maxaa yeelay ma aanan rumeysaneyn, sababtoo ah nuurka sanado ayaan ka cararayay".

Sidda ay sheegeen illo sirdoon, Caa'isha waxaa lagu hayey meel ku dhow degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose oo caasimadda Muqdisho u jirta qiyaastii 30 KM kagana beegan Koonfur Galbeed.

Caa'isha oo shaacisay in ay go'aan iskeeda ah ay ku Islaamtay ayaa ka sheekeysay qisadii ka dambeysay in Diintan suuban ay rasmi ahaan qaadato.

"Waxay ahayd habeen, waana hurdayey, markii ugu horeysay oo nolosheyda, waxaan maqlay duqeyn, waxaa xigay dhawaqa diyaarado drones ah; xaaladaas argagagaxa leh waxaan ku dhawaadey geeri; waxaan bilaabay in aan Ilaahey tuugo oo aan waydiiso in uu iga badbaadiyo, sababtoo ah in aan doonayey in aan arko qoyskeyga; [EBBE] waxaan ka codsaday fursad kale, maxaa yeelay waxaan ka codsaday in aan dhinto; xilligaas waa markii ugu horeysay oo aan dhanka ALLE u jiheystay," ayay hadalkeeda kusoo xirtay.

Silvia Romano oo la baxday Caa'isha ayay warbixinadu qeexayaan in ay guursatay dagaalame ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay u leedahay Uur dhowr bilood ah, balse illaa iyo haatan, kama aysan jawaabin sheegashooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM