Siyaasi caan ahaa kana tirsanaa mucaaradka Russia oo Moscow lagu diley

Image

February 28, 2015 (GO)- Siyaasi caan ahaa kana tirsanaa mucaaradka dalka Russia ayaa lagu diley bartamaha magaalada Moscow.

Dabley hubeysan oo gaari watey kuwaasoo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen mas'uulkaas oo lagu magacaabi jirey Boris Nemtsov.

Nemtsov ayaa si aad ah u dhaliili jirey siyaasadda Madaxweyne Vladimir Putin wuxuuna maalinta Axadda ka qayb geli lahaa dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda kaasoo la qorsheynayey inuu ka dhaco magaalada Moscow.

Af-hayeen u hadashay Wasaaradda Arimaha Gudaha Russia oo lagu magacaabo Yelena Alekseyeva ayaa sheegtay in la baarayo sababta dilka iyo weliba cidda ka dambeysey.

Waxay sidoo kale sheegtay in sirdoonku su'aalo weydiinayaan haweeney u dhalatay dalka Ukraine oo xilligii Boris Nemtsov la dilayey la socotey.

Mr Nemtsov ayaa horay xilal kala duwan usoo qabtey waxaana kamid ah ra'isal wasaare ku-xigeen, xildhibaan barlamanka ka tirsan iyo guddoomiyaha gobolka Nizhny Novgorod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM