Somaliland: Muxu salka ku hayaa Khilaafka u dhexeeya xisbiga UCID?

Image

25 Nov, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in wadahadalo u bilowdeen gudoomiyaha UCID Faysal Cali Warabe iyo xubnihii ka baxey xisbiga Kulmiye.

Gudoomiyaha UCID oo iminka ku sugan magaalada Burco ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa khilaaf soo kala dhexgaley musharaxiinta xisbiga iyadoo maalintii shaley 23 Nov, 2015 ku-xigeenka musharaxa u taagan doorashada madaxweynaha  Somaliland Cabdirashiid Xasan Mattaan uu is-casiley.

Khilaafkaan soo kala dhexgaley madaxda sare ee UCID ayaa  la rumeysan yahay inuu salka ku hayo wadahadalada la qorsheynayo in siyaasiyintii isaga baxey xisbiga Kulmiye iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku yeeshaan maalmaha soo socda magaalada Burco.

Wadahadlkaan ayaa diirada saari doona sidii xubnaha siyaasiyiinta ahaa ee isaga baxey xisbiga Kulmiye ugu qancin lahaayeen gudoomiyaha xisbiga UCID iney noqdaan musharaxiinta xilka madaxweynaha ee doorashada Somaliland. Halkan ka akhri

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilka musharaxa xisbiga UCID ee doorashada madaxweynaha Somaliland  uu doonayo inuu noqdo wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. 

Xisbiga Kulmiye oo dhowaan khilaaf siyasded soo kala dhexgaley ayaa musharaxa madaxweynaha doorashada Somaliland u doortey Muse Biixi.

Taariikh kooban xisbiga siyaasada UCID

Xisbiga UCID ayaa sanadkii 2002 lagaga dhawaaqey Somaliland markaas oo uu gudoomiye ka noqdey Faysal Cali Waraabe iyadoo doorashooyinkii dhacey sanadkii 2003 gudoomiye Faysal Cali Waraabe u tartamey xilka madaxweynimo ee Somaliland, waxana doorashadaasi ku guulaystay Daahir Rayaale Kaahin.

Faysal Cali Waraabe oo gudoomiye u ahaa xisbiga UCID ayaa mar kale u tartamey doorashada xilka madaxweynaha Somalialnd 2010, iyadoo uu ku guuleystey  madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Maxamed Siilaanyo,

Dhinaca kale waxaa khilaaf soo kala dhexgaley gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxman Cirro oo muddo saxiib ahaa islamarkaana ka tirsanaa xisbiga. Khilaafkaan ayaa salka ku hayey kadib markii Cabdiraxman Cirro ku qancin waayey Faysal Waraabe n xilka madaxweynaha Somaliland mar kale isu soo taagin.

Khilaafka u dhexeeyey Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga ayaa xoogeystey kasoo sababey in dacwadooda u gudbiyaan maxkamada sare. Maxakamada oo socotey muddo kooban ayaa go'aamisey in Faysal Cali Waraabe iska leeyahay xisbiga UCID islamarkaana go'aanka kama dambeysta ah uu leeyahay. 

Garabkii siyaasdeed ee uu hogaaminayey gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxman Cirro ayaa go'aansadey iney xisbi furtaan madaama sanadkii 2012 la ogolaadey in dib loo furo ururo siyaasdeed kuwasoo galay doorashooyinka golayaasha degaanka.

Cabdiraxman Cirro iyo xubnihii la socdey ayaa ururkooda WADANi ka maid noqdo sadex xisbi ee Somaliland ka jira kuwasoo horey u ahaa Kulmiye oo talada hayey iyo UCID.

Faysal Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa magaalada Dubai heshiis kula galey Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan iney noqdaan musharaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa doorashada madaxweynimo ee Somaliland sanadka 2017.

Talaabadaan ayaa keentey kadib markii xisbiga WADANI kala wareegey UCID inta badan tageerayaashiisa ayaa gudoomiye Faysal Cali Waraabe raadiyey inuu tageeryaasha la qaybsado xisbiga talada haya ee Kulmiye taasoo dadka siyaasada odorasa aaminsan yihiin inuu weli wadadaas hayo.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM