Soomaali xiiseeya majaajiladda kuna biiray ISIL oo la aqoonsaday

Image

LONDON, UK – Mid kamid ah tobanaan dhalinyaro asalkooda Soomaali yahay balse haysta dhalashada qaar kamid dalalka Yurub ayaa si rasmi ah loo aqoonadey lana soo bandhigay magaciisa iyo sawiradiisa.

Cabdullaahi Xasan oo la sheegay in uu kamid ahaa 20 da'yar kana tegay degmada Woolwich ee koonfur-bari London ayaa la tilmaamay in uu ka tirsanaa koox burcad ah oo maandooriyaha ka ganacsata.

Xasan ayaa wuxuu noqonayaa shaqsigii afaraad ee ka tirsanaa kooxdaasi ee kasoo muuqda shaashahadaha muuqaalada falaagadda Daacish isaga oo ku sugan waddanka ay colaaduhu la dageen ee Suuriya.

Magacyadda kale ee ay isla tirsanaayeen kooxdaasi ee muuqaalada lagu arkay ayaa waxay kala yihiin; Choukri Ellekhlifi, Fatlum Shalaku iyo Muhammad Mehdi Hassan oo gebigood British ah.

Lama ogga hadii Cabdullaahi uu ku dhashay Britain balse waalidkiisa ayaa waxay ku tageen dalkaasi qaxooti ah ahaan kadib dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya balse iminka laga soo kabanayo.

Cabdullaahi ayaa lagu waramayaa in uu Ingiriiska ka baxay sanadkii 2015-kii. Balse, hay’adaha sirdoonka waxay rumeysan yihiin in uusan halkaasi kusii nagaadin lana dilay, wallow aysan caddeyn qaabka.

Hasa ahaatee, xogo dhanka sirdoonka ah oo la helay ayaa waxay muujinayaan in Cabdullaahi iyo qaar kale oo badan lagu dilay toogasho iyo weeraro dhanka cirka ah.

Muuqaalka oo xili hore la duubay balse dhowaan ka arkey ayuu kasoo muuqday mar isaga oo watay qori AK 47 oo ku hanjabaya in uu laynayo Ameerikaanka iyo British-ka.

Si lamid ah waxaa mar kale la arkay isaga oo rasaas ridaya, una muuqday mid liif-baranaya.

Sidda ay aaminsan yihiin kormeereyaasha, kolkii laga duubayey muuqaaladan waxa uu ku sugnaa magaaladda Raqqa dalka Suuriya, halkaasi oo waqti xaadirkan laga saarey kooxdaasi.

Wargeyska Daily Mail ayaa baahiyey in Cabdullaahi oo waalidkiisu ugu war-dambeysay markii uu UK ka baxay ayaa waxa uu aad ugu taxanaa barnaamijyadda majaajilida ee ka baxa muuqaal-baahiyaha British Tv.

Soo shaac-bixintaanka Cabdullaahi ayaa imaaneysa xili waalidiinta Soomaalida Daacishta ku biirtay ee isugu jira Gabdho iyo Wiilal ay ka codsadeen dowladda federaalka in ay ka shaqeyso soo celinta caruurtooda.

Dalalka ay dhalashada ka haystaan ee qaaradda Yurub ayaa ku gacan-seyray in ay dib soo celiyaan, iyaga oo ku doodaya in ay khatar gelin karaa ammaanka wadamadooda.

Gabdhaha qaarkood ayaa waxaa la tibaaxayaan in ay Ilmo dhaleen kadib markii ay guursadeen dagaalamayaasha Daacish kuwaasi oo qaarkood geeriyoodey.

Waalidiinta Soomaalida qurbaha ku nool si gaar ah wadamada Yurub ayaa kadib markii ay ay badatay tiradda dhalinta ku biireysa kooxda isugu yeertay dowlada Islaam-ka waxay bilaabeen in dalka hooyo dib ugu soo celiyaan ubadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM