Soomaaligii "diidey" shaqo sirdoon ee AlShabaabnimada loo xukumay

Image

LONDON, UK – Mareykanka ayaa Khamiistii wuxuu Soomaaliya u dhoofiyey Mahdi Xaashi; 31-jirkan waxaa loo xukumay in mudadii u dhaxeysay 2008-12 uu Al-Shabaab ku taageeray agab aan tafaasiil laga bixiyey nooca ay ahaayeen.

Xabsi ku yaala magaalada Chicago ayaa laga soo saarey halkaasoo uu ku qaatay sagaal sano iyo bar. Saraakiisha waxay wariyeen in uu ahaa horjooge sare oo kamid ah xoogaga gacansaarka leh shabakada argagixisada Al-Qaacida.

Hay'adda socdaalka Mareykanka ayaa Mahdi ku qeexdey "nin Soomaali ah". Balse, warbaahinta Ingiriiska waxay warisay in uu ku koray dalkaas.

Bogga Camdennewjournal.com oo daabacay macluumaad dheeriya kana yihiin sababaha kolkii hore loosoo xiray iyo siduu ku waayey dhalashadda Britain.

Sidda ku xusan warbixinta, Xaashi oo waayihiisa Ingiriiska ka qaatay Dugsiga shahaadooyin dabeecad wanaag ah ayaa kamid ahaa koox rag Soomaali ah kuwaasoo sirdoonka boqortooyada ee M15 doonayey in ay la shaqeeyaan.

Mareegga ayaa wariyey in Xaashi iyo qoyskiisa ay ku eedeeyeen mukhaadaraadka in ay jirdileen markii uu ka biyo diidey dalabkaas. Dacwada kolkii hore lagu soo oogay waa; is-miidaamiye iyo in uu rabay aas-aasida Dowlad Islaamiya.

Qormadda ayaa muujineysa in Xaashi oo kamid ahaa dhalinyarada arrimaha samafalka ka shaqeysa markii codsigaas uu diidey sidoo kale lagu soo eedeeyay in uu abaabulayey weeraro ka dhan ah dowlada Mareykanka.

Walaashiisa, Faaduma ayaa 2012-kii waxay jaraa'idka New Journal u sheegtay: "Waxay tuseen buugaagta iyo sawirada rag Muslimiin ah kuwaasoo kasoo jeeda Camden. Qaarkood saaxiibadiis ayay ahaayeen. Ma aysan waydiisan in uu dabagalo ku sameeyo, waxay waydiisteen in uu diiwaan-geliyo kalana hadlo arrimo ku saabsan Jihaad si ay u arkaan jawaabta ay ka bixin doonan taas".

Isagoo maxkamad ka hadlayey 2011-kii, Mr Xaashi ayaa yiri: "Aniga waan xanuunsanahay, waan ku daalay wareegan dhibaateynta bahalnimada ah ee igu socota saddexdii sano ee lasoo dhaafay ee iga dhigay la tuhume argagixiso".

Hay'adda M15 ayuu ku eedeeyay "in ay sumcad dileen" una sheegay xeer-beegtada in uu mar walba dambiile noqonayo hadii uusan ogolaan shaqada.

Mas'uuliyiin horey u soo maray degmadda uu kasoo jeedo Xaashi ayaa ku dhaliilay Hay'adda Sirdoonka M15 hab-dhaqankaas liddiga ku ah xorriyada aadanaha.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska, Theresa May, ayaa lagu waramay in Xaashi ay kala noqotay dhalashadda UK xilli uu 2012-kii ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Tirro Soomaali ah ayaa dalalka reer Galbeedka waxay xabsi ku galaan xukuno cadaalo darro ah ama ugu yaraan aan dhabihii saxda ahayd loo marin markii lagu shabadeeyay in ay xiriiro la leeyihiin argagixiso, wallow qaar lagu cadeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM