Dowladda Sri Lanka oo lacag ugu deeqday deyn cafinta Soomaaliya

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Dowlada Sri Lanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay ka qeyb-qaadaneyso ololaha deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Bangiga Dhexe ee waddankaas ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qaan-dhaafka dalka dhaca Geeska Afrika.

Sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah, deeqda ay Sri Lanka bixineyso ayaa gaareysa ku dhowaad saddex milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa lagu shubi doonaa Koontada Hay'adda Lacagta Aduunka IMF oo maamuleysa kaalmada deyn cafinta waddanka.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyaddoo dhowaan Guddiga sare ee IMF uu meelmariyey qorshaha maalgelinta deyn cafinta Soomaaliya.

Si lamid ah, go'aanka Sri Lanka ayaa imaanaya xili Bangiga Aduunka iyo IMF ay caddeeyeen in Soomaaliya u qalanto in deynta laga dhaafo.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa lagu leeyahay in ka badan shan bilyan oo Doolar, waxaana hal bilyan oo kamid ah ku leh waddanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Mareykanka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay buuraha Cal Madow

Buuraha Cal Madow ayaa muddo dheer ahaa deegaan ay kooxaha hubeysan ku leeyihiin saldhigyo iyo goobo ay ku dhuuntaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 10:58AM

Mareykanka oo mar kale diiday fiisaha Maxamuud Cabbaas

Tani waxay noqonaysaa sannadkii labaad oo xiriir ah oo Cabbaas laga hor istaago inuu si toos ah uga qeyb galo shirka sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 04:54AM