Taliyaha ciidanka Brundi oo ka bad-baaday isku day dil

Image

11 September, 2015(GO)-Taliyaha guud ee ciidanka Brundi General Prime Niyongabo ayaa lagu weeraray Caasimada Bujumbura xilli uu la socday kollonyo gaadiid ah oo ku sii jeeday xafiiskiisa Subaxnimadii hore.

Weerarkan waxaa fuliyay rag ku labisnaa dharka ciidanka dalkaasi, waxaana ku dhinteen 7 askari oo ay ku jiraan ugu yaraan afar kamid ah illalada taliyaha.

War ka soo baxay Booliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in taliyuhu haatan bad qabo isla markaana uu fashilmay weerar qorshaynaa oo la doonayay in lagu khaarajiyo.

Falkan ayaa imaanaya xilli bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayeen rabshado ka dhashay doorashada madaxweynaha Brundi Pierre Nkurunziza oo markii saddexaad xilka qabtay.

Dastuurka dalka Brundi ayaa ogol in madaxweynahu xilka qaban karo labo jeer.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM