Taliyaha cusub ee ciidamada gaarka Iiraan oo u hanjabay Mareykanka

Image

TEHRAN, Iran – Taliyaha cusub ee ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ugu goodiyey Mareykanka in ay kaga aargudan doonan "qaab ragganimo leh".

Esmail Qaani oo kasoo muuqday munaasabad ka dhacday Tehran ayaa habka loo dilay sarkaalkii uu bedelay ku sifeeyay "hanaan fulaynimo ah".

Qaasim Suleymaani, oo ahaa shaqsigii labaad ee ugu awooda badnaa Iran, ayaa lagu khaarijiyey duqeyn cirka ah oo Mareykanka uu kula eegtay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Baqdaad.

"Iyaga [Mareykanka] waxay u dileen isaga qaab fulaynimo ah, balse Alle awoodiisa iyo dhiig-hurayaasheena ku sugan dunida waxaan uga aargudan doonaa si ragganimo leh," ayuu ku daray.

Dilkii Suleymaani oo dhacay 3-dii Janaayo, 2020, ayaa xoojiyey cabsida laga qabo in ay gorada is-daraan Mareykanka iyo Iran.

Baqdintaas ayaa xoogaa hoos-u-dhacday markii weerar argudasho ah oo Iran ay ku beegsatay saldhigyo uu Mareykanku ku leeyahay Ciraaq aysan geysan khasaaro nafeed marka laga reebo dhaawacyo daran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: NATO Waxay Wajihi Doontaa Mustaqbal Adag Haddii Marinka Hormuz La Furi Waayo

Trump ayaa sheegay in dalalka ka faa’iideysta marinkan — gaar ahaan Yurub iyo Aasiya…

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 01:10PM

Garoonka Diyaaradaha Dubai oo lagu Weeraray Diyaaradaha drones-ka

Weerarkan ayaa qayb ka ah guluf ballaaran oo Tehran ay ku beegsanayso goobaha ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Khaliijka.

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 12:08PM