Taliyaha cusub ee ciidamada gaarka Iiraan oo u hanjabay Mareykanka

Image

TEHRAN, Iran – Taliyaha cusub ee ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ugu goodiyey Mareykanka in ay kaga aargudan doonan "qaab ragganimo leh".

Esmail Qaani oo kasoo muuqday munaasabad ka dhacday Tehran ayaa habka loo dilay sarkaalkii uu bedelay ku sifeeyay "hanaan fulaynimo ah".

Qaasim Suleymaani, oo ahaa shaqsigii labaad ee ugu awooda badnaa Iran, ayaa lagu khaarijiyey duqeyn cirka ah oo Mareykanka uu kula eegtay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Baqdaad.

"Iyaga [Mareykanka] waxay u dileen isaga qaab fulaynimo ah, balse Alle awoodiisa iyo dhiig-hurayaasheena ku sugan dunida waxaan uga aargudan doonaa si ragganimo leh," ayuu ku daray.

Dilkii Suleymaani oo dhacay 3-dii Janaayo, 2020, ayaa xoojiyey cabsida laga qabo in ay gorada is-daraan Mareykanka iyo Iran.

Baqdintaas ayaa xoogaa hoos-u-dhacday markii weerar argudasho ah oo Iran ay ku beegsatay saldhigyo uu Mareykanku ku leeyahay Ciraaq aysan geysan khasaaro nafeed marka laga reebo dhaawacyo daran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM