Taliye cusub oo loo magacaabay ciidamadda xulka ah ee Iran

Image

TEHRAN, Iran – Hogaamiyaha sarre ee Iiraan ayaa magacaabay taliyaha cusub ee ciidamadda xulka ah ee waddankaas kadib dilkii Jeneraal Qassem Soleimani, oo ku dhintay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Ciraaq.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku xigeenkii Soleimani oo lagu magacaabo Esmail Ghaani u xushay jagadda taliyaha guud.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Ali Khamenei ayaa lagu sheegay in geerida Soleimani "aysan u dhutin doonin Iiraan".

Guutada ciidamadda xulka ah ee Iiraan oo loo yaqaano Quds Force ayaa hagi jiray siyaasadda xukuumadda Tehran ee Bariga Dhexe.

Qassem Soleimani ayaa lagu waramayaa in uu ahaa shaqsiga labaad ee ugu awooda badan hogaanka kacaanka Iiraan.

Ghaani ayaa noqday taliye ku xigeenka sanadkii 1997-dii, xilligaas oo Soleimani qudhiisa laga dhigay Jeneraalka ugu sareeya.

2017-kii, Ghaani ayaa yiri "Donald Trump wuxuu khatar ku yahay waxyeeladda ay Iiraan dooneyso in ay u geysato Ameerika…waan aasney kuwa badan sida Trump, waan garaneynaa sidda loola dagaalamo Ameerika".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM