Taliyihii militeriga Kenya oo is casiley iyo mid cusub oo la magacaabay

Image

April 19, 2015 (GO)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Jen. Samson Mwathethe usoo magacaabay taliyaha cusub ee militeriga Kenya, kaddib markii uu is casiley Jen. Julius Karangi oo isagu muddo dheer  xilkaas soo hayey.

Qoraal kasoo baxay madaxdooyada Nairobi ayaa lagu yiri sidan "Madaxweynaha Kenya wuxuu taliyaha cusub ee militeriga usoo magacaabay Jen. Mwaththe, wuxuuna xilka la wareegi doonaa  toddobaadka soo socd."

Taliyihii hore ee ciidamada Kenya Jen. Karangi ayaa cadaadis badan kala kulmey jawaabtii ay ciidamada dalkaasi ka bixiyeen weerarkii Westgate Mall oo Al-shabaab ay weerartay sannadkii 2013-kii, iyadoo ciidamada lagu eedeeyey in ay geysteen boob hantiyeed intii howlgalku socday.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa bishii December ee sannadkii hore magacaabay taliyaha cusub ee booliiska iyo wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, kuwaasoo iygaana lagu eedeeyay inay ku fashilmeen sugidda amniga.

Al-shabaab ayaa weerarro is-daba-joog ah ka geysanaysay gudaha Kenya tan markii ciidamada Kenya gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya.

Afar todobaad ayaa laga joogaa markii Al-shabaab weerartey dhismaha Jaamacadda Gaarisa. Weerarkaas waxaa ku dhintey 148 qof oo ardey u badnaa waxaana ku dhaawacmey ku dhowaad labo boqol oo qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM