Toogasho dad Muslimiin ah lagu laayey oo ka dhacday New Zealand

Image
Image
Image
Image

CHRISTCHURCH, New Zealand - Ugu yaraan 40 ruux oo Muslimiin ah ayaa la dilay markii dabley hubeysan ay weerartay Masaajido ku yaalla magaaladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Weerarka ayaa dhacay iyada oo dadka ay isku diyaarinayeen Salaadda Jimcaha, sida ay xaqiijiyeen Booliska.

Laamaha amaanka ayaa durba gaarey meesha ay wax ka dhaceen kadibna baaritaan billaabey.

Mid kamid ah dableyda weerarka soo qaaday ayaa muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay duubayay xiliga uu dhacayay xasuuqaan.

Wali lama aqoonsan waxa ay ahaayeen gacan ku dhiiglayaasha, hasa yeeshee, mid kamid ayaa la xaqiijiyay inuu u dhashay Australia.

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern oo falkaan si adag u cambaareysay ayaa sheegtay in wadankeeda ay maanta u tahay maalin madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudiga ku soo rogay xayiraad dhinaca badda ah 

Xuutiyiinta ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan sida ay u fulin doonaan xayiraadda badda ama nooca maraakiibta ay beegsan doonaan.

  • Caalamka

    20-07-2026

  • 02:51PM

Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:46PM