Toogasho dad Muslimiin ah lagu laayey oo ka dhacday New Zealand

Image
Image
Image
Image

CHRISTCHURCH, New Zealand - Ugu yaraan 40 ruux oo Muslimiin ah ayaa la dilay markii dabley hubeysan ay weerartay Masaajido ku yaalla magaaladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Weerarka ayaa dhacay iyada oo dadka ay isku diyaarinayeen Salaadda Jimcaha, sida ay xaqiijiyeen Booliska.

Laamaha amaanka ayaa durba gaarey meesha ay wax ka dhaceen kadibna baaritaan billaabey.

Mid kamid ah dableyda weerarka soo qaaday ayaa muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay duubayay xiliga uu dhacayay xasuuqaan.

Wali lama aqoonsan waxa ay ahaayeen gacan ku dhiiglayaasha, hasa yeeshee, mid kamid ayaa la xaqiijiyay inuu u dhashay Australia.

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern oo falkaan si adag u cambaareysay ayaa sheegtay in wadankeeda ay maanta u tahay maalin madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM