Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho
Muqdisho – Waxaa magaalada Muqdisho dib uga billowday wareegga labaad ee wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo heshiis laga gaaro hannaanka doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan wax ka beddelka dastuurka.
Wadahadalladan oo ay fududeynayso dowladda Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ururka Nabad iyo Nolol oo uu hogaamiyo Farmaajo, iyo sidoo kale diblomaasiyiin ka socday Turkiga, Mareykanka, UK, Midowga Yurub (EU) iyo Qaramada Midoobay.
Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Garowe Online, kulamada ayaa loo qabtay si gooni-gooni ah, iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay si kala gaar ah ula kulmeen dhinac kasta. Madasha Samatabixinta ayaa ahayd kooxdii ugu horreysay ee la kulanta dhexdhexaadiyeyaasha, waxaana xigtay ururka Nabad iyo Nolol. Dowladda Federaalka ayaa iyaduna kulan gaar ah la yeelatay dhexdhexaadiyeyaasha.
Ilo ku dhow wadahadallada ayaa sidoo kale sheegay in isbahaysi mucaarad ah oo uu hoggaaminayo Ra'iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke lagu wado inuu ku biiro wadahadallada socda.
Wareeggii koowaad ee wadahadallada ayaa dhinacyadu ku soo bandhigeen hannaannada doorasho ee ay kala doorbidayaan, halka wareeggan labaad uu diiradda saarayo isbarbardhigga iyo falanqeynta qorshayaashaas.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha loo gudbiyay afar hindise oo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorashada.
Intii lagu jiray kulamada, Dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradka ayaa la sheegay inay isku raaceen saddex mabda' oo aasaasi ah:
In la ilaaliyo nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5.
In la sii wado qoondada 30% ee haweenka.
In doorashooyinka lagu saleeyo mabda'a hal qof, hal cod.
Si kastaba ha ahaatee, dhinacyadu weli ma aysan gelin doodaha qotada dheer ee ku saabsan qodobada ugu adag ee la isku hayo. Waxaa ka mid ah dastuurka lagu saleynayo doorashada, nooca hannaanka doorashada iyo guddiga maamuli doona codbixinta.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026, halka mucaaradku uu ku doodayo in Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 uu noqdo saldhigga sharci ee doorashada iyo xeerarkeeda.
Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed, dhexdhexaadiyeyaashu waxay rajeynayaan in dhinacyada Soomaaliyeed ay ku heshiiyaan hal hannaan doorasho iyo habka loo hirgelinayo, si looga fogaado khilaaf hor leh loona taageero dib u dhiska geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Khilaafka siyaasadeed ayaa salka ku haya wax ka beddelka dastuurka ee ay taageertay Dowladda Federaalka, kaas oo mucaaradku ku eedeeyay inuu suuragelin karo in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sii dheeraado hal sano, isla markaana dib loogu dhigo doorashooyinka federaalka ilaa 2027.
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii hore loo qorsheeyay inay qabsoonto bishii May, kaddib markii muddo xileedka Baarlamaanka uu dhammaaday bishii Abriil, balse khilaafka ka taagan hannaanka doorashada iyo qorshaha dowladda ee ah in laga gudbo nidaamka doorashada dadban ayaa geliyay geeddi-socodka doorashada xaalad hubanti la'aan ah.
GAROWE ONLINE