Trump oo cafiyey askar ka howlgashay Soomaaliya oo dambiyo geystay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa war-saxaafadeed uu Jimcadii soo saarey wuxuu cafis ugu fidiyey laba askari.

Clint Lorance iyo Gaashaanle Mathew Golsteyn ayaa lagu eedeeyay laguna soo dacweeyay dambiyo dagaal oo ay ku kaceen.

Dambiyada ayaa lagu sheegayaa in ay ka geysteen wadanka Afghanistan oo ay kamid ahaayeen xoogagii Washington ee waddankaas.

Labadooda oo ciidamadda gaarka ah ku jira ayaa la rumeysan yahay in ay kasoo howlgaleen dalal kale oo ay ku jirto Soomaaliya.

Maxkamad heer federaal ah oo ku taala gudaha Mareykanka ayaa Lorance waxay ku xukuntay 19-sano oo xarig markii dambiga lagu helay.

Golsteyn ayaa loo xukumay in uu dilay maxbuus aan hubeysneyn kadibna uu jirkiisa baa’biyey. Fal-dambiyeedkaas oo uu qirtay.

Mareykanka ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga askar boqolaal gaareysa kuwaas oo la dagaalamaya xoogag ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM