Trump oo codsi ka dhan ah Iran u diray dalalka "ugu tunka weyn" dunida

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump, ayaa shaaciyey in khasaaro naf iyo maalba aysan ka dhalan duqeymaha ay Iiraan ku weerartay laba kamid ah saldhigyadda Mareykanka ku leeyahay wadanka Ciraaq.

Tehran oo 15 gantaal ku beegsatay saldhigyadda ayaa sheegtay in ay "ku dishay tobanaan askari oo Ameerikaan ah".

"Ma jiro muwaadin Ciraaq ah oo wax ku noqday, waxaana mahadda iska leh qalabka difaaca ee milatariga Mareykanka oo ka digay," ayuu Trump u sheegay warbaahinta oo uu kula hadlay Aqalka Cad.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Trump ayaa meesha ka saarey in askari Ameerikaan ah ay waxyeelo kasoo gaartey duqeyntaasi.

Madaxweyne Trump, oo u digaya Iiraan ayaa intaas ku daray: "Gantaalladeenu waa kuwa waaweyn oo meel walba gaari kara waana kuwa si baaxad leh wax u gumaadda".

"Inta aan ahay madaxweynaha Mareykanka, Iiraan ma yeelan doonto hub nukliyeer ah," ayuu carabka ku adkeeyay hogaamiyaha.

Trump ayaa carabka ku dhuftay in maamulkiisa uu qorsheynayo "cunaqabateyn ciqaab dhaqaale ah" oo uu kusoo rogo Iiraan.

"Ciidamadeena waxay diyaar u yihiin wax walba," ayuu ku daray, isagoo u muuqda mid dul istagaaya cabsida laga qabo dagaal.

Balse, Trump ayaa u sheegay Iiraaniyiinta iyo dowladooda "in Mareykanka uu diyaar u yahay nabad uu kula noolaado xukuumada Tehran".

"Waxaan qiimeyn doonaa jawaabta, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku saari doonaa xayiraad dhaqaale oo awood badan oo saarnaan doonta inta ay hab-dhaqankooda wax ka bedeli doonan".

Gabagabadii, dowladaha caalamka si gaar ah Ruushka, Ingiriiska, Shiinaha iyo Faransiiska ayuu ku tartarsiiyey in ay "aqoonsadaan xaqiiqada ah in Iiraan ay taageerto argagixisadda una midoobaan cadaadiskeeda".

Xiisadda Mareykanka iyo Iiraan ayaa cirka isku sii shareertay kadib dilkii Qaasim Suleymaani, taliyihii ciidamada Quds ee ilaalada kacaanka Iiraan, cabsida ugu weyna waxay tahay in uu gacan ka hadalo uu dhexmaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM