Trump oo diiday in uu cunsuri yahay

Image

WASHINGTONG - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday in uu cunsuri yahay, ka dib markii uu muran ka dhashay hadal aflagaado ah oo la sheegay in uu ku tilmaamay dalalka Afrikaanka ah.

Trump ayaa la sheegay in uu hadal aan munaasab ahayn adeegsaday toddonaadkii hore markaas oo uu socday kulan xafiiska madaxweynaha ka dhacay oo isbadal loogu samaynayay shuruucda dadka soo galootiga ah.

Hadda ayuuse saxafiyiinta u sheegay "Anigu cunsuri ma ihi. Waxaana ahay qofka ugu dambeeya ee aad cunsurinimo ka warraysan doontaan.

Waa markii koobaad ee madaxweynahu uu si toos ah uu uga jawaabo eedaymaha cunsurinimada ee loo soo jeediyay.

Maxaa lagu eedeeyay in uu maxadweynuhu yiri?

Muran ayaa dhashay ka dib markii sharcidejiyeyaal labada xisbi ka socda ay booqdeen madaxweynaha Khamiistii si ay uga wada shaqeeyaan sharci meel dhexe la isugu imaanayo oo ku saabsan dadka soogalootiga ah.

Toddobaadyadii dhawaana maamulka Trump wuxuu meesha ka saarayay shuruuc si ku meel gaar ah u ogolaanayay in ay muhiijiriinta qaar dalka joogaan, sharcigaas oo TPS loo soo gaabiyo ayaana degenaansho ku meelgaar ah siinayay dadyow dalal kala duwan u dhashay oo Maraykanka ku nool.

Mar dambe ayayse warbaahinta Maraykanku ku warrantay in Trump oo shirka waydiiyay "Sababta ay dadkan oo dhan uga imanayaan dalalka la sheegay in uu caayay"

Trump ayaa la sheegay in uu masuuliyiinta u ku yiri badalkii aan degenaansho ku meel gaar ah siin lahayn dadka ay dalalkooda ka dhaceen masiibooyinka, dagaallada ama dhibaatooyinka kale ee baaxadda leh in ay tahay in ay dad ka soo qaataan dalal kale sida Norway.

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM