Trump oo is-babardhigay Covid-19 iyo weerar dhimasho badan dhaliyey

Image

WASHINGTON, US - Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu Mareykanka u saameeyey si ka darran dhacdadii Pearl Harbor ee daaglkii labaad ee adduunka iyo weeraradii argagixiso ee daaraha mataanaha.

"Waxaa inoo soo maray weerarkii ugu xumaa ee dalkeena uu arko. Tani xaqiiqdii waa weerarkii ugu xumaa ee abid nasoo mara,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan Aqalka Cad.

Wuxuu raaciyey: "Tani way ka xun tahay Pearl Harbor, tani way ka xun tahay Xaruntii Ganacsiga Adduunka".

Weerarkii lama filaanka ahaa ee 1941-kii ay Japan ku qaadeen saldhigga ciidamada badda Pearl Harbor ee gobolka Hawaii ayaa Mareykanka ku qasbay inuu galo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Weeraradii Argagixso ee September 11, 2001, ayaa dilay 3,000 oo qof oo badankood ku suganaa Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, taasi oo horseeday dagaal labaatan sano socda oo Mareykanka uu ku qaaday Iraq iyo Afghanistan.

Illaa hadda, 70,000 oo qof oo Mareykan ah ayaa u dhintay cudurka Coronavirus, halka tallaabooyinka la qaaday ee kala fogaanshaha bulshada ay xireen inta badan dhaqaalihii Mareykanka.

Guud ahaan Caalamka, cudurka ayaa haleelay ku dhowaad afar milyan oo ruux; dad ka badan 250-kunna wuu galaaftay, waxaana ka caafimaaday in ka badan hal milyan iyo bar oo ruux; illaa iyo haatanna daawo rasmiya looma helin.

GO + VOA

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM