Trump oo ka hadlay in uu cafinayo xubnihii abaabulay xilka qaadistiisa

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa caddeeyay in uusan saamixi doonin xubnihii isku dabariday xilka xayuubintiisa.

"Mararka qaarkood ma sahlana waxyaabo aad jeceshahay, marka ay timaado xil ka xayuubin waxbo ma ahan, sidda aad u jeceshahay, aniga waxaan isku dayayaan in dadkaas aanan u fududeyn," ayuu yiri.

Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad duco ah oo aroornimadii Khamiista maanta ah ka dhacday magaaladda Washington.

Arbacadii, Aqalka Sarre ayaa laalay dacwadda maamuus ka xayuubinta Trump, iyagoo waxba kama jiraan kasoo qaadey laba eedeymo.

Eedeymaha ayaa kala ahaa; in uu sameeyay ku tagrifal awoodeed iyo in uu carqaladeeyay baaris uu Aqalka Hoose uu waddey.

Dimuqraadiyiinta ayaa abaabulay mooshinkaas, halka Jamhuuriyiinta oo Trump uu calanka u wado ay difaacaan madaxweynaha.

Sikastaba ha ahaatee, Donald Trump ayaa haatan xafiiska sii joogi doona illaa iyo doorashadda soo aadan oo uu difaacan doono kursigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM