Trump oo 'lagu waayay' fadeexadii Ruushka

Image

WASHINGTON - Xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ku sugan Washington ayaa sheegay in ay waayeen wax caddeyn ah oo la xiriira wadashaqayn hoose oo dhexmartay kooxdii ololaha Trump iyo dowladda Ruushka.

Guddi hoosaadka Aqalka Congress-ka ee Sirdoonka oo ay majaraha u hayaan xildhibaanada Jamhuuriga ayaa baaritaan ku hayay fadeexadii Ruushka ee farogalinta doorashadii dhacday 2016-kii.

Mike Conaway oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in ay hay'adaha sirdoonka ku raaceen warbixintoodii ahayd in Ruushka ay farogaliyeen ololaha doorashada.

Ninka ugu sareeya xisbiga Dimoqoraadiga ee guddigan ka tirsan Adam Schiff ayaa xisbiga Jamhuuriga ku eedeeyey in ay danaha dalka ka hormarinayaan tan madaxweynaha.

Balse waxaa wali socda baaritaanka Aqalka Sare iyo guddiga Robert Mueller ay ku hayaan isla arrintan.

Mr Mualler ayaa hormuud ka ah baaritaan dambi, halka baaritaanka Aqalka Sare uu yahay oo kaliya in shacabka lagu wargaliyo wixii dhacay, kadibna ay sameeyaan soojeedin qodobo laga badalo sharciyada dalkaas.

"Gunta arrinta waxa ay tahay in Ruushka ay farogalin ku sameeyeen doorashii dhacday, mustaqbalkana ay samayn doonaan, balse ma jirto wax caddeyn ah oo aan helney oo ku saabsan in ay Trump isla ogaayeen hawsha" ayuu warbaahinta u sheegay Conaway oo muddo sanad ah ku hawlanaa baaritaanka.

Xubnaha guddigan ku jira ee xisbiga Dimoqoraadiga ayaa lagu wadaa in ay iyaguna soo saaraan warbixintooda gaarka ah.

Guddiga baaritaanka Congresska ayaa wareystay illaa 73 qof oo marqaati ah, waxayna daalacdeen illaa 300,000 kun bog oo xogo sirdoon ah.

Waxaa warbixinta ku jira illaa 25 qodob oo soojeedin ah kuwaas oo la xiriira doorashooyinka mustaqbalka iyo amniga internetka.

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM