Tunisia: sagaal qof oo loo soo qabtey weerarkii matxafka Bardo

Image

March 20, 2015 (GO)- Laamaha ammaanka dalka Tunisia ayaa gacanta kusoo dhigey sagaal qof oo lagu soo eedeeyey inay wax ka ogaayeen weerarkii labo maalmood kahor lagu qaadey matxafka Bardo.

Weerarkaas oo mas'uuliyaddiisa kooxda Daacish ay sheegatey waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan 21 qof. Dadkaas 17 kamid ahi waxay ahaayeen dalxiiseyaal u kala dhashey wadammada: Poland, Japan, Italy, Australia, France, Spain iyo Colombia.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in laamaha ammaanku gacanta ku dhigeen afar kamid ahaa kuwii weerarka qorshihiisa lahaa iyo shan qof oo kale oo iyagana lagu tuhunsan yahay inay arrintaas wax ka ogaayeen.

Sidoo kale booliska ayaa shaaciyey magacyada labadii nin ee weerarka fuliyey kuwaasoo markii dambe la toogtey.

Labada nin mid kamid ah horay ayey sirdoonka Tunisia u baadi goobayeen waxayna magacyadoodu kala ahaayeen: Yassine Laabidi iyo Hatem Khachnaoui.

Mas'uuliyadda weerarkii dhacay Arbacadii (March 18, 2015) waxaa sheegtay kooxda Ansaru Sharica oo xiriir laleh ururka Daacish ee fadhigiisu yahay wadanka Ciraaq.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey noociisa ah ee lala beegsado dad dalxiiseyaal ah laga soo bilaabo sanadkii 2002, markaasoo afduubasho ka dhacdey jaziiradda Djerba lagu diley 21 qof oo dalxiiseyaal ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM