​Turkiga: Ciidamo weeraray xarun wargays

Image

Ciidamada dowladda Turkiga ayaa xoog ku galay xarunta wargayska caanka ah ee Zamsam kaasoo lagu eedeeyay inuu taageeray mucaaradka waddankaasi.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa sheegay in wargaysku aad u buunbuuniyo arrimaha ururada mucaaradka ku ah dowladda, waxayna taasi keentay inay gudaha u galaanta xaruntiisa islamarkaana xayiraan dhammaan shaqada uu hayay.

Maamulka wargayska fadhigiisu yahay Istanbul, waxaa gacanta loo galiyay dowladda, waxaana xaruntiisa tagay ciidamo ay weheliyaan baarayaal ay soo magacawday maxkamad kuwaasi oo amar loo siiyay inay xaqiijiyaan waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Tifatiraha wargeyska Abdulhamit Bilici oo la hadlay shaqaalaha ka hor inteysan boolisku xarruntooda galin, ayaa Jimcihii shalay ku tilmaamay maalin u madow dimuqraaddiyadda.

Dhinaca kale ciidamada ayaa kala eryay dad isugu soo baxay afaafka hore Wargayska Zamsam, waxaana loo adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo tuubooyinka tuuraya biyaha.

Wargeyska Zaman waxaa akhrista in kabadan hal milyan oo qof, tiradaasi oo ka dhigan in ka badan laba jibbaar tirada dadka akhrista wargeysyada kale ee uu tartanka kala dhexeeyo.

Badi dadka ku nool Turkiga iyo xeel dheerayaasha dhanka saxaafadda ayaa aaminsan in wargaysku sheego xaqiiqada waddanka kajirta, balse dowladda ayaa qabta inuu buun-buuniyo waxyaabaha mucaaradka isagoo lagu xagliyo inuu faafiyo afkaarta dhaq-dhaqaaqa Hizmet, oo uu hoggaamiyo Fethullah Gulen, oo ah wadaad Muslim ah oo ku noolaa dalka Mareykanka.

Wadaadkan, ayaa khilaaf kala dhaxeey Madaxweynaha Turkiga Racceb Tayyib Erdogan, oo mar aad isugu dhawaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM