Turkiga iyo Imaraadka oo ku dagaalamaya dalka Liibiya

Image

Waxaa cirka isku shareerey dagaalka afka oo ay is-waydaarsanyaan dalalka Turkiga iyo Imaraadka Carabta kadib markii ay adkaadeen colaadaha ka taagan dalalka Liibiya iyo Yemen.


ANKARA - Wasiirka arimaha dibada dalka Turkiga ayaa maalinimadii Khamiista ee la soo dhaafey ku eedeeyey dalka Imaraadka Carabta iney dabada ka riixayaan siyaasado burbur hor leh u horseedaya dalal ku yaal Woqooyiga Afrika iyo Barriga Dhexe, waxaana uu  ugu yeerey Abu Dhabi in ay ka wantoobaan hab-dhaqanka colaada xambaarsan oo ay wadaan.

Hadalka Ankara ayaa yimid kadib markii dhowaan dalka Imaraadka Carabta soo saarey qoraal uu ugu baaqayo dhinacyada ku dagaaalamaya Liibiya iney wadahadal isugu yimaadaan tageeraana baaqa nabadeed ee Qaramada Midoobey islamarkaana waxaa ay garab istaag siyaasadeed u muujiyeen xoogaga uu hogaaminayo Khalifa Haftar iyagoo cambaareeyey faragalinta Turkiga iyo tageerada ay siinayaan Dowlada UN-ka aqoonsan yahay. 

Afhayeen u hadlay Wasaarada arimaha dibada Turkiga Hami Askoy ayaa sheegey in hadalka Imaraadka macnaheedu yahay iney qariyaan siyaasadooda labo wajiilaha ah isagoo xusey in Abu Dhabi tageero u muujiyaan dagaal ooge Haftar.

Turkiga ayaa tageera xukuumada fadhigeedu yahay Tripoli "GNA" isagoo la saxiixdey heshiis ciidan oo ay ka tageerayaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen General Haftar. Dowlada fadhigeedu yahay Ankara ayaa si joogto ah u dalbata in wadamada xooga ciidan ugu badan aduunka joojiyaam kaalmada qaarkood u fidiyaan Haftar kaas oo ay ugu yeeraan dad-qal. 

Kadib markii Khamiistii la soo dhaafey Turki soo saarey hadalkaan ayaa dalka Imaraadka Wasaaradiisa arimaha dibada sheegtey iney tageereyso howlgalada ciidamada qaranka Liibiya " Kuwa Haftar" ku baadi goobayaan kooxaha argagixisada ah iyagoo Dhinaca kale cambaareeyey faragalinta Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa tageero qalab ciidan iyo tababaro siiya xukuumada fadhigeedu yahay Tripoli halka dalka Imaraadka intoo kale la garab taagan yahay xoogaga General Haftar hogaamiyo. 

Sirdoonka dalka Turkiga ayaa sheegey in saraakiil sare oo Imaaraati ah ku sugan yihiin dalka Sudan halkaas oo tababar uga socdo ciidamo loo tababarayo General Haftar.

Dagaalka siyaasadeed iyo midka ciidan oo dalalka Khaliijka iyo Turkiga ku hardamayaan ayaa salka ku haya khiaalfyada soo jireenka ah ee dhexeeya dhinacyadaan.

Kacdoonkii ka dhacey Bariga dhexe oo ay dabada ka riixayeen wadamada Qadar iyo Turkiga ayaa waxaa dhexda ka jabiyey dalka Sucuudiga oo isagu tageero ka helaya dalka Imaraadka Carabta.

Kacdoonkaan oo lagu tuurey kaligii taliya- yaashii wadamada Masar iyo Liibiya kuwaas oo sababey in xukunka uu qabsado Morsi halka Qaddafi lagu diley. 

AHN Morsi oo ka tirsanaa xisbiga diiniga ee Akhwaanul Muslimiin ayaa tageero siyaasadeed ka helayey wadamada Turkiga iyo Qadar.

Af-gambigii ka dhacey dalka Masar oo ay ka dambeeyeen dalka Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa waxaa uu sii xumeeyey xiriirka ay la lahaayeen dalka Turkiga.

Xukuumada qaramada midoobey ay aqoonsan yihiin ee fadhigeedu yahay Tripoli ayaa wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka rumeysan yihiin in siyaasiyiinta hogaamineysa xiriir xoogan la leeyihiin xisbiga Akhwaanul Muslimiinka oo iminka mamnuuc ka ah dalka Masar iyo Wadamo badan oo Khaliijka ah. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM