Turkiga iyo ​Isra'iil oo hishiiyay

Image

Xukuumadaha Ankara iyo Talaabiib ayaa la sheegayaa inay gaareen hishiis ku aadan khilaafkii tan 2010 ka dhex taagnaa kaasi oo ka dhashay lix qof oo Turkish ahaa kuwaasi oo la dilay xilli ay ku safrayeen Marinka Qaza.

Wadahadal dhexmaray labada dal ayaa laga gaaray hishiis cusub oo baabi'inaya khilaafkii jiray.

Heshiiska ayaa dhgaya in Isra'iil bixiso mag dhaw gaareysa 20 milyan oo dollarka oo la siinayo qoysaskii dadku uga dhinteen Markabkii Mavi Marmama sanadkii 2010, Halka xukuumadda Talaabiib ay heleyso qandaraasyo ay gaaska dabiiciga ugu gudbineyso suuqyada Turkiga.

Ra’iisul Wasaraah Israel Benjamin Netanyahi ayaa axaddii kadib kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sheegay “Waa tallaabo muhiim ah in xiriirka dib loos oo celiyo”.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa isna sheegay in heshiiska ay qeyb ka tahay in Turkey loo ogolaado inay gargaar geyso Gaza, islamarkaana ka fuliso mashruuc ay guryo iyo isbitaallo ugu dhiseyso.

Arrintan ayaa la sheegayaa in labada dhinacba faa'iido ugu jirto, wuxuuna saamacayaa in Turkigu dalkaasi maalgalin ka sameeyo islamarkaana deeq gaarsiin karo Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM