Turkiga oo ka hadlay fatahaadaha kusoo rogmaday Qardho

Image

ANKARA, Turkey – Dowlada Turkiga ayaa ka tacsiyeysay geerida ka dhalatay daadadka kusoo rogmaday magaalada Qardho, xarunta gobolka Karkaar ee Puntland. Lix qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen.

Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Ankara ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in ay murugada la wadaageyso qoysaska.

"Waxaan aad uga xunahay inaan helno wararka ku saabsan khasaaraha naxdinta leh ee nafeed iyo burburka ballaaran ee ka dhashay daadadka culus ee ka dhacay Qardho, oo ah degmo ka tirsan Puntland ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee Wasaaradda.

Lixda qof ee geeriyooday ayaa saddex kamid ah waxaa lagu tilmaamay caruur, mid dumar ah iyo laba qof kale oo rag ahaa. Tobanaan kale oo lagu waayey musiibadda dib ayaa laga helay, sidda la xaqiijiyey.

"Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibada iyo shacabka walaalaheena ah ee Soomaaliyeed, waxaan u rajeyneynaa in uu Allah ha u naxariisto kuwa naftooda ku waayey, waxaanan tacsi u direynaa qoysaskooda," ayaa la raaciyey bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Gaowe Online.

Sidda ku xusan qiimey horudhac ah oo la sameeyay, ku dhowaad 150 guri oo ay ku jiraan mehrado ganacsi ayay cagta mariyeen daadadku.

Xukuumadda Puntland oo si deg-deg ah kaga jawaabtay dhibaatada dhacda ayaa gargaar horudhac ah gaarsiisay qoysaska mushkiladu ku habsatay, waxayna tilmaamtay in gurmad dhameystiran ay gaarsiineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM