Turkiga oo ku gacan-seyray qorshaha Masar ee waddanka Libya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga oo naqdiyey soo jeedinta Masar ee ku saabsan xabad-joojinta waddanka Libya ayaa qorshahaas ku sifeeyay mid lagu badbaadinayo Jeneraal Khalifa Haftar oo ku fashilmay isku day milatari oo 14-bilood socday oo uu rabay in uu ku qabsado caasimada.

Ankara ayaa taageertay ra'iisul wasaaraha caalamka aqoonsan yahay ee Libya, Fayez al-Serraj, kaasoo diidamadiisa ay iska caabiyeen guluf kaga yimid xoogaga Khalifa Haftar oo ay taageeraan Masar, Imaaraadka iyo Ruushka.

Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin bilaabaneysa Isniinta, qorshahaas oo qayb ka ah in hogaan loo doorto gole xukuma Libya. Ruushka iyo Imaaraadka ay soo dhaweeyeen qorshahaas, balse Jarmalka wuu kasoo horjeestay.

Sikastaba, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa dhawaqa Khaahira ku sifeeyay isku day Xaftaar looga badbaadinayo guuldarooyinka kasoo gaarey fagaaraha dagaalka. Wuxuu xusay in ay kasoo horjeedaan.

"Xabad-joojinta qaybta ka ah dedaalada Khaahira waa mid curdan ah. Hadii xabad-joojinta la saxiixo, waxay noqon doontaa madal kulmisa qof walba," ayuu u sheegay Hurriyet Daily News. "Xabad-joojinta loogu baaqay si loo badbaadiyo Xaftaar waxay noola muuqataa mid aan gabi ahaanba la aamini karin".

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Mareykanka, Recep Tayyip Erdogan iyo Donald Trump, ayaa Isniintii kawada hadlay xaaladda Libya. Shirkooda dhanka telefoonka waxaa lagu soo qaadey dhaqdhaqaaqyadda ciidan ee ciidanka Xaftaar.

Cavusoglu ayaa daaha ka rogay in ay Erdogan iyo Trump isku raaceen in wasiiradooda difaaca iyo arrimaha dibadda, taliyeyaasha sirdoonka iyo lataliyeyaasha amniga u xilsaaraan ka hadlka talooyinka xiga suurtagalka ah.

Dhanka kale, wasiirka difaaca Turkiga, Hulusi Akar, ayaa u sheegay telefishinka A Haber in xaaladda Xaftaar ay "si la hubo loo ciribtiri doono" hadii ay sii socdaan guuldarooyinka kasoo gaaraya furimaha dagaalka.

"Xilli ay hoos u sii dhaceyso garab istaaga uu helayo, Xaftaar si la hubo ayaa looga weyn doonaa halkaas," ayuu hadalkiisa raaciyey Akar.

Wasiirka arrimaha dibadda, Mareykanka, Mike Pompeo, oo soo dhaweeyay wadahadaladda ay Qaramada Midoobay qaybta ka tahay, ayaa dalbaday in si deg-deg ah loo bilaabo wadaxaajoodyadda si loo helo xabad-joojin.

Boqolaal shacab ah ayaa ku nafwaayey, kumanaan kalena way ku dhaawacmeen xilli malaayiin kale ay ku barakaceen colaada ka aloolsan gudaha Libya ee ay ku lug-leeyihiin shisheeyaha danaha iska soo horjeeda wata. Turkiga wuxuu kamid yahay wadamada saameyntooda sii kordheyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM