Turkiga oo qaadey talaabo dejineysa xiisada kala dhaxeysa Gariiga

Image

ISTANBUL, Turkey - Markabka sahanka ah Oruc Reis ee uu Turkigu lee yahay ayaa Axadda maanta ah ku laabtay biyaha u dhow gobolka koonfured ee Antalya, waana tallaabo dejin karta xiisadaha u dhexeeya Ankara iyo Athens ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee badda.

Dalalka Turkey iyo Greece oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO ayaa ku muransan qalfoof-badeedka iyo xuquuqda lahaanshaha kheyraadka tamarta ee laga heli karo bariga badda Mediterenian.

Xiisadaha ayaa cirka isku sii shareeray bishii hore ka dib markii Ankara ay u dirtay markabka Oruc Reis inuu soo calaamadeeyo rajada laga qabo qodista saliidda iyo gaaska ee biyaha ay kala sheegtaan dalalka Greece, Qubrus iyo Turkiga.

Ciidamada badda ee Turkiga ayaa horraantii bishan soo saaray la-talin ay ku sheegeen in markabka Oruc Reis uu sii wadi doono howlaha ka socda aagaasi ilaa iyo 12-ka Sept.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in markabku uu sii wadi doono howlaha sahminta muddo dheer laakiin aan la kordhin doonin muddada la-talinta ay ciidamadu badda soo saareen.

Turkiga ayaa si isdaba joog ah u sheegay in uu u furan yahay in muranka kala dhaxeeya Greece lagu xalliyo wadahadal laakiin waxa uu si cad u diiday shuruudo kasta oo horudhac ah, oo ay ka mid tahay in wadahadalka ka hor uu markabka Oruc Reis uu joojiyo howlaha sahminta ah.

VOA

Related Articles

Trump oo dib u dhigay duqeymo lagu qorsheeyay xarumaha tamarta Iran

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Trump uu Sabtidii siiyay Iran 48 saacadood si ay dib ugu furto marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 12:55PM

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM