Turkiga oo shaqada ka eryey dad u shaqeeya Maxkamadaha

Image

543 garyaqaan iyo dacwo oogayaal kale ayaa laga cayriyay shaqadooda dalka Turkiga, iyadoo looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen inqilaab la isku dayay bishii July. Tirada la cayriyay ilaa hadda ayaa dhan 3,288.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku adkaystay shaqo ka cayrinta inaysan wax u dhimayn cadaalada, laakiin ay horseedi doonto cadaalad dhab ah. Dowlada Turkiga ayaa xirtay tobanaan kun oo qof oo ay ku jiraan boliis, ciidan, garyaqaano iyo shaqaale dowlad tan iyo shan iyo tobankii July. 

Mr Erdogan ayaa ku eedeeyay Fetuhullah Gulen inuu ka danbeeyay kacdoonka.

BBC

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM