Turkiga oo xukun ku ridday shaqaale ka tirsan qunsulyadda Mareykanka

Image

ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taala Turkiga ayaa waxay maanta shaqaale ka tirsan qunsulyadda Mareykanka ku xukuntay sideed sano iyo sagaal bilood oo xabsi ah markii "lagu helay in uu maalgeliyo urur argagixiso ah".

Xilli talaabadan ay sababi karto in uu sii xumaado xiriirka labada dal, Washington ayaa durba tilmaamtay in ay "ka niyad-jabtay" xukunka.

"Mas'uuliyiinta Mareykanka waxay dusha kala socdeen dhageysiga maxkamadeynta Metin Topuz ee ka dhacday Istanbul, waxaana aad uga niyad-jabnay xukunka maanta," ayay safaarada soo qortay.

Fariinta lasoo dhigay Twitter-ka ayaa la raaciyey: "Ma aanan arkin caddeymo lagu kalsoonaan karo oo taageeraya xukunka, waxaana rajeyneynaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo laali doono".

Maxkamadeynta Topuz ayaa kamid ahayd waxyaabihii sii murjiyey xiriirka xulafada NATO. Xukunsaha waxaa sanadihii u dambeeyay uu durayey siyaasadda Turkiga ee Suuriya iyo hubka uu Ruushka ka iibsado.

Topuz, oo intii dhageysiga socday wajahayey in ka badan laba sano iyo sanad bari oo xabsi ah, ayaa kolkii hore lagu eedeeyay basaasnimo iyo in uu isku dayay afgembi ka dhan ah dowladda Recep Tayib Erdogan.

Cilaaqaadka Gulen

Dacwad-oogeyaasha ayaa bishii Maaj shaaca ka dhigay in ay suurtagal tahay in meesha laga saaro dacwadahaan isla markaana loogu xukumi karo 15-sano oo xabsi ah "in uu xubin ka noqdey urur argagixiso".

Labada qareen ee Topuz ayaanan durba ka jawaabin xukunka dhacay Khamiista maanta ah iyo guud ahaan dacwadaha lagu soo oogay.

Gal-dacwadeed ka kooban 78 bog oo ay ku jiraan wicitaano telefoon, fariin qoraalo iyo sawirro ay qaadeen kaamirooyinka qarsoon ayaa la horkeenay maxkamadda kuwaas oo kamid ah caddeymaha eedeynta.

Topuz ayaa lagu soo eedeeyay in uu hogaaminayey musuqmaasuq lagu sameeyay baaritaan dhacay 2013-kii. Sidoo kale, waxaa la sheegay in kadib lagu helay in uu xiriir la leeyahay Fethullah Gulen, wadaadka xukuumadda Ankara ay ku eedeysay inqilaabkii dhicisoobay ee 2016-kii.

Topuz oo ah turjumaaniyo iyo sarkaal ka tirsan Hay'adda ka hortagga maandooriyaha ee qunsulyada Mareykanka ee magaalada Istanbul ayaa qirtay in uu la xiriiray shaqsiyaad mas'uuliyiin ah kuwaas oo xilal ka hayey booliska iyo garsoorka, isla markaana ay kamid ahayd shaqadiisa.

Gulen oo ah ganacsade si musaafuris shaqsi ah ugu nool Mareykanka tan iyo 1999 ayaa beeniyey in uu ku lug-lahaa isku dayda afgembiga.

Safaaradda Mareykanka, oo shaqaalaheeda ay si joogta ah u xaadiri jireen dhageysiga si ay taageero ugu muujiyaan Topuz iyo qoyskiisa, ayaa ku nuux-nuux saday in aysan jirin caddeymo la aamini karo oo isaga ka dhan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM