Uganda: booliska oo qabtay dad iyo walxaha qarxa

Image

Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)- Booliska dalka Uganda ayaa hawlgal ay Sabtidii lasoo dhaafay sameeyeen waxay kusoo qabteen daraasiin walxaha qaraxa ah iyo dad labaatan qof ku dhow oo la sheegay inay ka tirsan yihiin shabakad argagixiso oo xiriir dhow laleh Al-shabab.

Dadka gacanta lagu dhigay oo gaaraya 19 qof, waxaa sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa mas'uul sare oo ka tirsan laamaha ammaanka ee Uganda ay qorshaynayeen inay dhowaan weerarro argagixiso dalkaas ka geystaan.

Wasiirka Warfaafinta ee Uganda Rose Namayanja ayaa sheegtay in hawlgallada caynkan ah ee ammaanka lagu xaqiijinayaa ay sii socon doonaan, iyadoo dhanka kale ugu baaqday shacabka inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

"howgalku weli waa socdaa" ayey tiri iyadoo intaas raacisay "waxan doonaynaa inaan xaqiijino in aan marnay jid kasta oo suurogal ah, si meesha looga saaro shabakadaha argagixisada"

Bishan September kowdeedii duqeyn ay geysteen diyaaradaha Maraykanku oo ka dhacday meel u dhow deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaa lagu diley Axmed Cabdi Godane oo ahaa hoggaamiyihii Al-shabaab lixdii sano ee ugu dambeysey.

Dilka Axmed Godane kaddib, Al-shabaab waxay ku hanjabtay weerarro aargoosi ah, meelaha ay tilmaantay in si gaar ah loo bartilmaamedsan doonana waxaa kamid ah dalalka Kenya iyo Uganda.

July 11 sanadkii 2010, qaraxyo ka dhacay labo goobood oo ku yaalla magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda laguna daawanayey ciyaaraha kubadda cagta ee Koobka Aduunka waxaa ku geeriyoodey 74 qof tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray. Mas'uuliyadda labadaas qarax waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo xiriir dhow laleh shabakadda Al-qaacida.

Xigasho: Reuters

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM