UK oo ka fiirsaneysa qorshaha NATO ku difaacayso Ukraine

Image

LONDON, UK - Britain ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso qorshe ay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan NATO ugu direyso qeybo ka mid ah Yurub, taasoo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo xuduudaha Yurub, isla markaana jawaab u ah ciidamada uu Ruushku geeyay xadka Ukraine.

War kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Boris Johnson ayaa lagu sheegay in, in Britain ay ka fakareyso sidi qeybta ugu weyn uguna macquulsan ay ugu yaboohi laheyd xubnaha qeybta ka ah heshiiska difaaca NATO ee dalalka Waqooyiga iyo kuwa Baltiga ee Yurub.

Sidoo kale qorshahaas ayaa laba laabi doono tirada ciidanka Ingiriiska isla markaana ogolaanaya in hub dheeraad ah oo kuwa difaaca ah loo diro dalka Estonia.

Ra’isulwasaare Johnson ayaa sheegay in tallaabadani ay farriin cad u direyso Ruushka isla markaana aysan u dul-qaadan doonin ficilladooda carqaladeynta ah.

Britain ayaa hora yuga digtay in duulaan kasta oo uu Ruushka ku qaado Ukraine, ay uga jawaabi doonaan cuna-qabateyn dhaqaale oo deg deg ah.

Xiisadda dagaal ee u dhexeyso Ukraine iyo Ruushka ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, ayada oo ay sii xoogeysatay cabsida laga qabo tallaabooyinka Vladmin Putin.

Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhankiisa dalalka reer galbeedka ugu baaqay in aysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan dalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM

Sidee Caalamka u arkay Qorshaha Trump iyo Netanyahu ee Nabada Gaza?

Trump ayaa sheegay in qorshahani ujeeddadiisu tahay in Xamaas laga saaro Gaza isla markaana lagu beddelo dowlad kumeelgaar ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 05:54AM