UN: Mareykanka wuxuu caruurta ula dhaqmaa si axmaqnimo ah

Image

WASHINGTON, US – Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa daaha looga rogay in Mareykanka uu yahay dalka ugu badan ee caruurta lagu xiro.

Cilmi baarista oo sanadleh isla markaana laga sameeyo wadamada caalamka ayaa waxay soo baxday todobaadkan aynu ku jirto.

Daarasadda Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa waxay sheegeysaa in caruurta la xiray ay ku jiraan qaar qaxooti ah.

Tiradda qaxootiga ayaa la sheegayaa in 100-kun kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen shuruucda caalamiga ah.

Marka laga hadlo dunida, caruurta saldhigyadda booliska la geeyay waxaa lagu sheegayaan inay gaarayaan todoba milyan.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, dhamaantooda waxay ku guda jiraan da'da 18-sano jir, taasoo ka hor-imaaneysa xeerarka caalamiga ah.

Manfred Nowak, baaraha madaxa banaan ee arrintaan u dhabagalay, ayaa xusay in caruurta qaarkood la geliyay xarumo gaaraya 330-kun.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in ay kala geeyaan caruurta iyo qoysaskooda taasoo meel ka dhac ah.

"Waa caado aan meel kaga jirin bini'aadanimadda, waana axmaqnimo," ayuu khabiirka ku daray hadalkiisa, isaga oo soo jeediyay wax ka qabasho degdeg ah.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid, Trump ayaa caan ku noqday siyaasadiisa liddiga ku ah soo galootiga, taasoo kordhisay xariga caruurta iyo musaafurinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM