Ururka Daacish oo sii daysay wariye Kurdish ah

Image

24 September, 2015(GO)-Ururka ISIL ee ka dagaalama Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya ayaa sii dayay mid ka mid ah labo wariye oo ay qabteen sanadkii hore sida uu shaaciyay Telefishin ku hadlay afka Kurdiyiinta Ciraaq.

Wariye madax banaan oo lagu magacaabo Massoud Aqeel ayaa sii dayntiisa lagu badashay askar ka xirnaa ururka sida uu baahiyay telefishinka Rudaw Arbacadii.

Labada wariyee ayaa la xiray December 15-keedii xilli ay joogeen Waqooyiga Suuriya.

Ururka ISIL aya dilay tiro wariyaal ku sugnaa goobaha ay gacanta ku hayso sida Suuriya, Ciraq iyo Liibiya.

Bishii October 2014 ururkaasi ayaa wariyaal Ciraaqiyiin ah oo lagu magacaabi jiray Mohammad al-Aqidi, iyo Raad al-Azzawi ku dilay dhacdooyin kala duwan.

Sidoo kale saxafiyiin American ah ayaa ku dhintay gacanta ururkaasi, waxayna kala ahaayeen James Foley iyo Steven Sotloff, kuwaasi oo loo haystay afduub ka hor intaysan ku xoogaysan goobaha hadda ku suganyihiin Jun 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM