CIA-da oo lagu eedeeyey inay si xun ula dhaqanto maxaabiista

Image

December 10, 2014 (GO)- Aqalka sare ee congresska Maraykanka (U.S. Senate ) ayaa dhaliilay qaabka hay'adda sirdoonka ee dalkaasi (CIA) ula dhaqantey boqollaal qof oo loo qabtey eedaymo la xiriira argagixisonimo kadib weerarkii lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee magaalada New York bishii September sanadkii 2001.

Guddiga sirdoonka ee Senate-ka ayaa shalay oo Talaado ahayd baahiyey warbixin uu ku faah faahinayo qaabka CIA-du ula dhaqanto maxaabiista looga shekiyo inay argagixisada ka tirsan yihiin, waxaana warbixinta lagu sheegay in dadkaas loo ciqaabay si ka baxsan anshaxa bini aadamnimada iyo weliba qiyamka dowladda Marayakanka.

Senator Dianne Feinstein oo iyadu ah gudoomiyaha gudiga baaritaanka sameeyey, waxay shir-saxaafadeed ay qabatay ku sheegtay in hababka CIA-du adeegsatay yihiin kuwo aad looga yaqyaqsado oon sinaba raali looga noqon karin.

Qaabaka warbixinta lagu sheegay in  hay'adda sirdoonku adeegsato si dadka laga shekiyo xog dheeri ah looga helo waxaa kamid ah jir-dil, dadka oo hurdada loo diido, dadka oo meel ciriiri ah lagu xiro iyo weliba in maxaabiista biyo lagu hafiyo (la dhex quusiyo).

Badi xad-gudubyada warbixinta Senate-ka ku xusan ayaa dhacay xilligii uu dalka Maraykanka madaxweynaha ka ahaa George W. Bush intii u dhexeysey sanadihii 2001 ilaa 2009.


Obama oo waxashnimo ku tilmaamay ficillada CIA-da:

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo ka hadlay edaymaha loosoo jeediyey hay'adda sirdoonka, wuxuu sheegay in qaabka dadka la tuhmay loola dhaqmay ahaa mid waxashimo ah, khalad ah islamarkaana natiijo fiican keenin.

Obama wuxuu sidoo kale sheegay in hab-dhaqanka CIA-du haba yaraatee wax dan ah usoo kordhin dadaalka uu Maraykanku ugu jiro la-dagaalanka argagixisada caalamiga ah iyo weliba masaalixda Maraykanka.

"mid kamid ah waxyaabaha aan kaga duwannahay dalalka kale waa inaan qirano khaladaadka aan galno" Obama ayaa sidaas ku yiri waraysi uu siiyey telefishinka af Spanish-ka ku hadla ee Telemundo, wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey " waxan ku rajo weynahay in warbixintaasi naga caawiso sidii aan uga guuri lahayn qaababka CIA-u horay u adeegsatey"

Aqalabiyadda aqalka sare ee Congress-ka (Senate-ka) iyo aqalka hoose ee wakiillada ( House of Representatives) waxaa haysta Xisbiga Jamhuuriga oo isagu guulo waaweyn kasoo hoyey doorashadii xilliga dhexe ee Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM