USA: Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Ferguson

Image
Image
Image

November 25, 2014 (GO)- Dibad-baxyo rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada Ferguson ee ku taalla gobolka Missouri ee dalka Marayakanka, saacado kadib markii la shaaciyey natiijada kasoo baxday baaritaan ay sameeyeen  guddi madax bannaan oo loo saaray dilka wiil madow ahaa oo bishii August ee lasoo dhaafay askari booliska ka tirsan oo caddaan ahi toogtey.

Guddiga ayaa shaaciyey in falkaasi ahaa mid u dhacay si aan ula kac ahayn sidaas darteed askariga dilka geystey aan wax dambi ah lagu soo oogi karin.

Kumannaan dhallinyaro ah oo ka careysan go'aankaas ayaa isugu soo baxay jidadka muhiimka ah ee magaalada Ferguson iyagoo dab qabadsiiyey dhowr gaari oo kuwa booliska ah islamarkaana bililiqeystey goobo ganacsi oo dhowr ah.

Dhanka kale Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay bulshada madowga ah ee magaaladaas ku dhaqan inay xaaladda dejiyaan, isagoo ku tilmaamay wax aan munaasib ahayn in la carqaladeeyo xasiloonida islamarkaana lagu xad gudbo hantida gaarka loo leeyahay.

Wiilka la diley oo 18 jir ahaa laguna magacaabi jirey Michael Brown waxaa 9-kii bishii August ee lasoo dhaafey toogasho ku diley Darren Wilson oo ah askari caddaan ah oo booliska ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM