Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Image
Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

Washington (GO) - Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sameeyeen "shaqo balaaran" bilihii la soo dhaafay oo ku aadan heshiiska dhaxmara Boqortooyada iyo Israa'iil.

Intii lagu guda jiray Shirka Golaha Dhaqaalaha Adduunka ee lagu qabtay Riyadh, Blinken ayaa dhigay laba arrimood oo ay tahay in la xaqiijiyo si labada dal ay heshiis u gaaraan, kuwaas oo kala ah xasillooni laga abuuro Qasa iyo waddo lagu kalsoonaan karo oo lagu dhisayo dowlad Falastiin.

Dhiniciisa, wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga Faisal Bin Abdullah ayaa isniintii sheegay in heshiiska u dhexeeya Washington iyo Riyadh uu marayo maxaladihii u dambeeyey.

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil, heshiiskaas oo ka soo horjeedo Raiisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM