Waa kuma ninka Cumar Al Bashiir xilka ka tuuray?

Image

Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf ayaa maanta ku dhawaaqay hadal muddo dheer la sugayay wuxuuna sheegay in xilkii laga qaaday madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, isla markaana lagu xiray goob amaan ah.

Bin Cawf wuxuu isku hayay xilalka awoodda badan ee wasiirka gaashaandhigga Suudaan iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dalkaas.

Wuxuu ugu horreeyay shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee uu kalsoonida buuxda ku qabay Al-Bashiir.

bishii Febraayo, xilli ay sii xoogeysanayeen mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda, ayey Madaxtooyada Sudan sheegtay in wasiirka gaashaan dhigga, Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf, loo magacaabay madaxweyne xigeenka koobaad, xilka gaashaan dhiggana uu haynayo.

Cumar Al-Bashiir ayaa labo maalmood ka hor xilligaas dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah oo muddo sannada ah soconeysa, waxaanu dhisay dawlad ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan saddex wasiir oo uu ka soo reebay xukuumaddii hore oo kala ah wasiirrada gaashaan dhigga, arimaha dibadda iyo caddaaladda.

Jeneraal Cumar Xasan Al-Bashiir

Waxa sidoo kale uu Al-Bashiir badhasaabaddii gobollada ku bedelay saraakiil milatari ah.

Cawad Bin Cawf waxaa markaas loo arkayay qofka kaliya ee uu AlBashiir isku aamini karay, una maleynayay inuu wax walba ka difaaci doono, xukunkana u ilaalin doono.

Hadaba waa kuma Cawad Ibnu Cawf?

Bin Cawf wuxu bilowgii kontonaadkii ku dhashay tuulada Qura oo ka tirsan degmada Wad Maalik. Wuxu galay kulliyada ciidanka waxaanu tababar milatari markii dambe u tagay Masar oo uu ku takhasusay madaafiicda.

Markii dambena waxa uu macallin ka noqday kulliyadda layliga saraakiisha.

Intii uu ku jiray shaqada ciidannimada wuxu noqday taliyaha sirdoonka milatariga iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida.

Wuxuu door weyn ka qaatay isku soo dhawayntii Sudan iyo Eritrea markii uu madaxa ka ahaa gudidii nabadgelyada ee ka qayb qaadanaysay wadaxaajoodkii Sudan iyo Eritrea dhex maray.

Markii uu shaqada ka fadhiistay sannadkii 2010-kii ayaa loo magacaabay safiir ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda, waxaanu noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka.

Ka dib waxa loo bedelay inuu noqdo qusulka guud ee safaaradda Sudan ee Qaahira, markii dambana waxa uu noqday danjiraha Sudan u fadhiya dalka Cumaan.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2015-kii ayuu madaxweynaha Sudan digreeto madaxweyne oo uu soo saaray ugu magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf wasiirka gaashaan dhigga.

Waxaa la sheegaa in intii uu xilkaa hayey ciidanka Sudan ku tallaabsaday horumar dhinaca saanadda ah, gaar ahaan sawaariikhda iyo madaafiicda.

In kasta oo dadka reer Sudan dalbanayeen in ciidamada dalkooda ee Yemen jooga lasoo celiyo, ayaa mar uu ka hadlay ciidamada Sudan ee jooga Yemen waxa Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf uu ku nuuxnuuxsaday in xukuumaddiisa ay ka go'antahay in ciidamadeedu sii joogaan Yemen oo ay qayb ka ahaadaan isbahaysiga sucuudigu hogaaminayo ee ilaalinta xukuumadda sharciga ah ee Yemen.

Wuxuu shir jaraa'id oo uu ka hadlayey ka sheegay in joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Sudan ee dalka Yemen yahay waajib akhlaaqi ah oo saaran.

Dhanka kale guddi ka socotay Qaramada Midoobay oo baadhaysay dhibaatada gobolka Darfur sanadkii 2005-tii ayaa magaciisa ku dartay liiska masuuliyiin lagu eedeeyey in ay sababeen dhibaatooyinka halkaa ka taagnaa.

Sidoo kale Maraykanka ayaa ku daray liiska madow ee dadka uu eedeeyo, taasoo uu ku sababeeyey doorkii uu ku lahaa dagaalka Darfur markii uu ahaa taliyaha sirdoonka milatariga.

Bin Cawf waxa uu badalay Jeneraal Bakri Xasan Saalix oo ahaa madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Al-Bashiir.

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM