Iiraan oo dalbatay in loosoo gacan geliyo Trump si ay u maxkamadeyso

Image

TEHRAN, Iran – Iiraan oo soo saartay waaran qabasho ah ayaa waydiisatay booliska caalamiga ah ee Interpol in uu ka caawiyo xariga madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo tobanaan shaqsi kale.

Ali Alqasimehr, dacwad-oogaha Tehran, ayaa sheegay in Trump iyo 30-ka qof kale ay maleegeen dilka Qassem Soleimani oo 3-dii Janaayo ee sanadkan uu duqeyn cirka ah ku khaarijiyeen ciidanka Mareykanka.

Dacwad-oogaha oo wariyeyaasha la hadlay ayaa xusay in Trump iyo shaqsiyaadka kale ay wajahayaan dacwado dil iyo argagixiso ah isla markaana ay ka go'an tahay in ay maxkamadeeyaan hadii ay qabtaan.

Alqasimehr oo aan carabaabin dadka kale ayaa ku adkeystay in ay sii wadayaan ololahooda ku aadan soo qabashada Trump "xitaa hadii ay soo gabagaboobaan mudda xil-heyntiisa madaxtinimada".

Interpol oo fadhigeedu yahay Lyon iyo Faransiiska ayaanan wali ka jawaabin codsi ku saabsan in ay ka falceliyaan dalab kaga yimid Iiraan.

Go'aanka kasoo baxay Iiraan oo "feejignaan cas" dul-dhigaya Trump iyo shaqsiyaadka kale ayaanan ku qasbneyn dowladaha in ay xiraan ama soo wareejiyaan, balse "waa in ay xadidaan socdaalkooda".

Dhanka kale, maamulka Trump ayaanan wali ka falcelin shaacinta lama filaanka ah ee kasoo yeertay xukuumadda Tehran.

Mareykanka iyo Iiraan ayaa sanadihii lasoo dhaafay uu ka dhaxeeyay loolan iyo dagaal afka ah oo kolkii dambe isku rogay gacanta.

Mareykanka ayaa ku dilay Jeneraal Soleimani, oo madax u ahaa sirdoonka dibadda ee Iiraan iyo saraakiil kale oo wehlisay, nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaala madaxda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Shirqoolkaas khaarijinta ah oo Iiraan ay si xoogan u cambaareysay ayaa yimid bilooyin kadib markii xiisada labada dal ay xoogeystay isla markaana Iiraan ay sawaariiq ku beegsatay Ameerikaanka jooga Iraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM