Waardiyihii hore Osama Bin Laden oo Yemen ku geeriyooday

Image

28 December, 2015(GO)-Nasser al-Bahri ayaa ku geeriyooday sida la rumaysanyahay da'da 40-ka, wuxuuna haa wardiyihii khaaska ahaa ee hogaamiyihii Al-Qaacidda.

Bahri ayaa Sabtidii la soo dhaafay u dhintay xanuun muddo hayay, wuxuuna ku geeriyooday dalkiisa hooyo gaar ahaan maglada Mukalla ee waddanka Yemen sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad.

Nasser al- Bahri ayaa Alqaacidda u taqaanay  Abu Jandal, wuxuuna sidoo kaloo ahaan jiray darawalka hoggaamiyihii la dilay, markii uu ku sugnaa dalka Afghanistan.

Ninkan ayaa xabsiga Guantanamo Bay laga soo daayay sanadkii 2008, waxaana lagu celiyay dalkiisa,Wuxuuna ku lug lahaa weerarro Al-Qaacidda ay ka gaysatay Bosnia, Somalia iyo Afghanistan 1990-meeyadii, balse markii dambe waxaa la sheegay in uu ka baxay Al-Qaacidda.

Osama Bin Laden ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay ka fuliyeen magaalada Abbottabad, ee dalka Pakistan, bishii May ee sanadkii 2011-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM